Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa daah-furay Shirka Beeralayda Somaliland oo lagaga tashanayey kaalinta lama illaawaanka ah ee ay beeruhu kaga jiraan horumarka iyo dhaqaalaha.
Shirkani wuxuu ahaa mid beeralayda lagu dhiirrigelinayey in ay kordhiyaan wax soo saarkooda, si looga maarmo ku-tiirsanaanta cuntada dibedda laga soo waarido.
Shirkan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Horumarinta Beeraha, ayuu Madaxweynuhu ka jeediyey khudbad qiimo badan oo salka ku haysa muhiimadda uu wax soo saarka guduhu u leeyahay horumarka, waxana uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda ay dejinayso qorsheyaal kor loogu qaadayo wax soo saarka dalaga beeraha, waxana uu yidhi:
“Waxa Xukuumadu dejinaysaa qorshaha horumarinta beeraha iyo xoojinta wax-soo-saarkooda. Waxa Xukuumadda u qorsheysan in la sameeyo Dugsiyo Sare oo Cilmiga beeraha lagu barto iyo in beerlayada la siiyo tababarro kor loogu qaadayo aqoonta wax beerista casriga ah, la dagaalanka cayayaanka, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo in la hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka si wax soo saarkooda suuqyada gudaha u geyn karaan.”
Madaxweynaha Somaliland, Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ugu baaqay inay maalgashadaan beeraha, si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha, waxaana uu yidhi:
“Fursado waaweyn ayaa ka bannaan maalgashiga beeraha Somaliland, waxa aannu dhiirrigelinaynaa in ganacsatada ay maalgashato beeraha iyo warshadaha lagu farsameeyo dalagga beeraha. Sida oo kale waxa aannu soo dhaweynaynaa maalgashiga dibadda ee beeraha.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA