Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo xabsi ku gurtay shabakad basaas u aheyd Israel & USA

Iran ayaa sheegtay in ay burburisay shabakado badan oo basaasnimo ah oo ay ku eedaysay inay u shaqaynayeen Maraykanka iyo Israa’iil, taasoo calaamad u ah talaabadii u dambaysay Tehran ee ka dhanka ah waxa ay ugu yeertay shabakad balaaran oo basaas shisheeye ah.

Xariga dadkan oo laga fuliyay gobolka Mazandaran ee waqooyiga Iran, ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Tehran iyo Washington, iyadoo mas’uuliyiinta Iran ay wacad ku mareen in cawaaqib xun ka dhalan doonto faragelinta shisheeye.

Xarigga ugu dambeeyay ayaa ka tarjumaya dagaalka Tehran kula jirto dadka lagu eedeeyay inay wax basaasayeen, inkasta oo maamulka Iran aysan wali soo bandhigin cadeymaha sheegashada.

Eedeymahan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli ay sare u kacday xiisadaha milateri iyo kuwa siyaasadeed, iyadoo Iran ay ku hanjabtay inay ka aargoosan doonto haddii ay dhacdo weerar kasta oo lagu qaado xarunteeda Nukliyerka.

Iran ayaa sheegtay inay burburisay unugyo basaasnimo oo badan oo lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen Maraykanka iyo Israa’iil oo ku sugnaa waqooyiga gobolka Mazandaran.

 

Related posts

Xog laga helay safar qarsoodi ahaa oo Farmaajo ku tagay Israa’iil iyo kulan uu la yeeshay Netanyahu

Cabdi Cade

Deni oo kulamo xasaasi ah kula qaatay Nairobi danjireyaal reer Galbeed ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawashada Ciyaar kamid ah Koobka Aduunka oo sababtay dhimashada afar qof

Cabdi Cade
Taboola Ads ---