Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo xabsiga ka sii deyneysa 620 reer Falastiin ah ka dib Markii..

Sida laga soo xigtay warbaahinta Israa’iil iyo Masar, heshiis ayaa laga gaaray siideynta 620 Falastiiniyiin ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil

Maxaabiistan ayaa lagu waday in la sii daayo Sabtidii toddobaadkan, balse waxaa dib u dhigay RW Netanyahu oo ka caraysan, hannaanka ay Xamaas uga faa’iideysato sii deynta maxaabiista Israa’iil oo ay ku soo muujiyo awoodeeda milateri

Waxaa la sheegay in Khamiista toddobaadkan la sii deyn doono  620 Falastiiniyiinta, kaddib dadaallo ay sameeyeen dhex dhexaadiyayaasha heshiiska.

Maxaabiistan ayaa lagu bedeshay lix Israaliyiin ah iyo meydadka afar kale oo Xamaas ay sii deysay Sabtidii ina dhaaftay waxaana hadda dhamaaday wejigii koowaad ee heshiiska xabad joojinta ah oo ku eg 28 Febraayo, welina ma jiro heshiis laga gaaray xabad joojinta wejiga labaad oo dhigeysa in la sii daayo dhamaan maxaabiista la heysto dagaalkana la soo afjaro.

Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha Israa’iil ay xalay duqeymo ka geysteen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Suuriya, isagoo duqeymaha ku sheegay inay  qeyb ka yihiin “siyaasad cusub” oo lagu nabadeynayo koofurta-galbeed dhulka Suuriya. Katz waxa uu yiri, “Ma oggolaan doono in koonfurta Suuriya ay noqoto koonfurta Lubnaan.”

Ma jirto wax hadal oo ka soo baxay maamulka Suuriya oo ku jira siyaasad is xakameyn ah muddo dheer, xilli Israa’iil ay duqeymo burburin ah ka geysanayo gudaha Suuriya, halka ciidanka Israa’iil ay gudaha u galeen koonfurta dhulka Suuriya.

 

 

Related posts

Villa Somalia oo beenisay Warar lagu faafiyey baraha bulshada & Warbaahinta

Caydiid Ali

Masuul lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo gaaray Magaalada Garoowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---