Allbanaadir.com
NEWS

Weerar culus oo cir iyo dhul ah oo lagu qaaday Ceelbaraf iyo dagaal…

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa weerar culus oo isugu jira cir iyo dhul ku qaaday deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas ay dhawaan la wareegeen kooxda Al Shabaab.

Sida aan wararka ku heleyno ciidanka huwanta ah oo garab ka helaya diyaarado dagaal oo saaxiibada caalamka leeyihiin ayaa hareereeyay deegaanka Ceelbaraf, waxa ayna ciidamada doonayaan in ay laayaan dhammaan xubnaha Al Shabaab ee ku sugan Ceelbaraf.

Weerarkan maanta lagu qaaday deegaanka Ceelbaraf ayaa imaanaya xilli shalay dagaallamayaal badan oo katirsan Al Shabaab lagu laayay deegaanka Al Kowthar ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas ay kusoo qaadeen weerar lagu fashiliyay/

Al Shabaab ayaa dib usoo abaabushay weeraro xooggan ay ku qaadayaan deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana Al Shabaab weerarada ay soo qaaday kasoo gaaray khasaaro xooggan , kaddib duqeymo culus oo lala beegsaday.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska oo shaaciyay in Muqdisho ku dileen sargaal katirsanaa Al Shabaab (Akhriso Magaca)

Cabdi Cade

Safaaradda Maraykanka ee Somalia oo beenisay warar lagu faafiyey Baraha bulshada

Caydiid Ali

Dagaalyahano ka goostay Al-shabaab oo isku dhiibay ciidanka DF ee Xarardheere (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---