Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland ayaa maanta u fadhiisatay dhagaysiga eedaysanayaasha kala ah Habane Huure Cabdi, Maxamed Deerow Cabdi, Iimaam Xasan Maxamed, Maxamed Aadan Qooshow, Maxamed Cabdullaahi Axmed oo dhamaantood ka tirsan ciidamada Jubbaland , kuwaa oo loo heesto kiis dil ah oo ay u geysteen Marxuum Shomow Muumin Iimaan.
Fadhiga maxkamada ee maanta ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo labadiisa kuxigeen, Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland iyo ehelada shanta eedeysane iyo ehelada Marxuumka.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee maamulka Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim, ayaa furay fadhiga Maxkamada isagoo faahfaahin ka bixiyay kiiska ay maanta maxkamada u fadhido.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamada ka hor aqriyay iiska dilka ah ee askartan ku eedeysan yihiin iyo sida uu u dhacay.
Intaas kadib gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee a Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim ayaa eedeysanayaasha weydiiyay waxa ay uga jawaabayaan eedeymaha xafiiska Xeer ilaalinta kusoo oogay.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com