Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA, ayaa shaacisay in ay burburisay gaadiid qaraxyo kasoo buuxiyeen Al Shabaab iyo kolonyo la socotay oo doonayay in ay weeraraan deegaanka Al-Kowther ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qoraal kasoo baxay hayádda NISA ayaa lagu sheegay in gaadiid ay Al Shabaab qaraxyo kusoo rareen iyo gaadiid kale oo la socday duqeyn xalay lagula beegsaday halka loo yaqaan Sigato iyo Labbi Aw-Xasan oo kuyaalla inta u dhaxeysa Riin-nirgood iyo Al Kowthar.
Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in mid kamid ah gaadiidka qaraxyada kasoo buuxiyeen Al Shabaab oo nuuxiisu ahaa Layla Calaawi doonayeen in ay ku qarxiyaan masjidka Al Kowthar, waxa ayna NISA sheegtay in la fashiliyay dhagartii ay Al Shabaab damacsanaaeen .
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com