Dowladda Soomaaliya ayaa shir guddoomisay kulankii ugu horreeyay ee shabakadda Isbadalka Cimilada Dalalka ay Colaadu Saameeyeen.
Shirkaan oo heer-Wasiir ahaa, islamarkaana lagu qabanayo Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa shir-gudoomiyay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige waxaana ka soo qeybgalay qaar ka mid ah Dowladdaha ay saameeyeen Isbaddalka Cimilada iyo Arrimaha Colaadaha.
Kulanka Shabakadani oo ah kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan tan iyo markii la aas-aasay kadib shir weynihii Isbadalka Cimilada COP29 ee lagu qabtay Dalka Azarbajan ayaa hadda looga arrinsanayaa sidii ay taageero gaar ah u heli lahaayeen dalalka nugul ee ay wali ka muuqdaan saameynya Colaadaha iyo Cimilada.
Ka sukoow shir guddoominta Soomaaliya, Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa jeediyay khudbad nuxurkeedu ahaa saameynta Soomaaliya ee xiliyada kala duwan ee Abaaraha iyo Fatahaada oo salka ku haya isbadalka guud ee cimilada adduunka. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in madashani ay la timaado waxqabad wadareed si loo samatabixoyo dhammaan bulshooyinka ay saameeyeen isbadalka cimilada.
Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shir ay wadajir ugu kulmayaan dalalka carabta oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta ganacsiga oo isna bari lagu qaban doono magaalada Abu Dhabi ee dalka UAE.