Allbanaadir.com
NEWS

Abuu Mansuur oo dowladda Norwey kala hadlay ka hortagga fikirka Xagjirka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa kulan la yeeshay ergeyga gaarka ee dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya Mr Einar Rystad iyo Safiirka dowlada Norway u fadhiya Magaalada Muqdisho Mr Carsten Carlsen.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay muhiimadda iyo mudnaanta ay leedahay in la iska kaashado dardar gelinta howlaha la xiriira ka hortagga iyo la-dagaallanka afkaaraha xagjirnimada ee rabshadaha wata, iyadoo la xoojinayo wacyigelinta bulshada iyo ciidamada si halista afkaarahaasi looga badbaadiyo dhallinta Soomaaliyeed ee soo koraya.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu bogaadiyay horumarka ay dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka seddex geesoodka ah ee ay kula jirto Khawaarijta, kuwaas oo kala ah, dhinacyada milletariga, dhaqaalaha iyo tiirka dhanka fikirka (Ideological Pillar) oo ay hoggaamiso Wasaaradda

Dowladda Norwey, ayaana ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ka taageeri doonto kahortaga iyo ciribtirka fikradaha xagjirnimada, sidoo kale gacan ka siin doonaan dowladda Soomaaliya sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagaxisada ah.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

CC Warsame ” Ma fileyn Nin igu soo weeraray Gurigeyga in uu qiro kaalintii aan guusha dacwadda kulahaa”

Cabdi Cade

Xisbullaah oo Weerar culus oo Gantaalo ah saakay ku qaaday Israa’iil

Cabdi Cade

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Masaajid xilli Salaad lagu jiray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---