Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo ka fekeraya baabi’inta taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM

Ciidamo badan oo Mareykan ah ayaa ku sugan qeybo kamid ah waddamada Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya, ciidankan ayaana dalalka ay joogaan ka caawiya la-dagaallanka waxa loogu yeero argagaxisada iyo sidoo kale dhinaca tababarada.

Warbaahinta dalka Mareykanka qaarkood, ayaa hadda tabinaya in maamulka Madaxweyne Donalnd Trump ka fekerayaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen una baabi’in lahaayeen howlgalka ciidamada Mareykanka ee Africom loo yaqaan.

Tallaabadan haddii ay qaadaan maamulka Trump waxa ay ka dhigantahay inay waddamada Afrika oo Soomaaliya ugu horreyso ay lumin doonaan taageerradii ay howlgalka Africom ay ka heli jireen oo ay ku jiraan; duqeymaha dhinaca cirka ah ee lala beegsado argagaxisada , tababarada iyo helida xogaha sirdoon.

Mareykanka ayaa sidoo kale la sheegay in ay ka baqayaan haddii ay ka baxaan dalalka Afrika ee ciidankooda joogaan in taasi fursad hor leh siineyso dalalka Ruushka iyo Shiinaha  oo ciidamo geyn kara dalalka ay ka baxeen ciidamada Mareykanka .

Ruushka iyo Shiinaha ayaa la sheegay in ay u bandhigeen dalalka Afrika ay ciidamada Mareykanka laga yaabo in ay ka baxaan in ay booskaasi u biixin doonaan kana caawin doonaan dhinacyo badan,  taas oo fursad weyn siin doonta dalalka Shiinaha iyo Ruushka.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Sheekh Shaakir oo kulan xasaasi ah leh

Cabdi Cade

Puntland oo guulo ka gaartay Dagaalka Daacish soona bandhigeysa meydadka Ajaaniib lagu…

Cabdi Cade

Guddi ay dowladda magacawday oo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---