Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay qorshaha howlgalka cusub ee AUSSOM

Lataliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya mudane Xuseen Macallin Maxamuud, ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay qorshaha howlgalka cusub ee ciidanka AUSSOM , kuwaa oo dhawaan la filayo in si rasmi ah uga howl bilaabaan Soomaaliya.

Howlgalkan cusub ee AUSSOMĀ  waxaa qeyb ka ah shan waddan oo kala ah Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya iyo Uganda , waxaana howlgalkan laga reebay dalka Burundi, kaddib markii uu dalkaasi ku qanci waayay tirada askarta looga qorsheeyay howlgalkan.

Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta afka dowladda ku hadasha,Ā  ayaa sidoo kale sheegay in horumar ballaaran laga sameeyay amniga dalka iyo dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

Xuseen Macallin Maxamuud lataliyaha amniga Qaranka ayaa xusay in sanadaha soo socda uu qorshuhu yahay in Ciidanka xoogga dalka uu helo aalado ciidan oo dhamaystiran, si meesha looga saaro kooxaha argagixisada ee caqabadda ku ah dowlad dhiska Soomaaliya.

Howlgalkan cusub waxaa kusoo biiraya ciidamo ka socdo dalka Masar, iyadoona hadda wax laga beddelay qorshihii horey ciidankan looga reebayay ciidamada Itoobiya, kaddib markii ay isku soo dhawaadeen Madaxda dowaladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibad baxayaal hubeesan oo gudaha u galay Madaxtooyo Maamul goboleed (Sawirro)

Cabdi Cade

Yaa wada oo lagula xisaabtamayaa Banaan baxa Muqdisho laga abaabulayo ?

Cabdi Cade

Lix waddan cusub oo ku biiraya Ururka BRICS oo la shaaciyay iyo Dalal Carbeed oo ku jira

Cabdi Cade
Taboola Ads ---