Allbanaadir.com
NEWS

Canada oo laga saarayo Isbaheysiga Sirdoon ee Shanta Indhood

La-taliye sare oo ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka, Peter Navarro oo ka mid ah xubnaha ku dhow Trump ee maamulkiisii horana la shaqeeyay ayaa hadda ku dadaallada in Canada laga saaro isbahaysiga sirdoon ee loogu yeero ‘shanta indhood’ oo ka kooban; Mareykanka, Ingiriiska, Canada, Australia iyo New Zealand, sida uu ku warramay wargeyska Financial Times.

Iskudaygan wuxuu ku soo aaddaya , xilli uu Trump horey usoo saaray canshuur ka dhan ah Canada oo ay la socdeen hadallo uu ku sheegayo inay Canada ku soo biirto oo ay noqoto gobol ka tirsan Mareykanka.

Saameyn ma ku leedahay Canada ka saarista isbahaysigan?

Haddii dalalkan ay isku raacaan in Canada laga saaro isbahaysiga sirdoon ee FVEY, waa xaalad saameyn darran ku yeelanaysa sirdoonka Canada , sababtoo ah waxay heli jireen macluumaadka dunidda oo uu isbahaysigan ka soo aruuriyo, iyagoo sidoo kale wadajir xal ugu raadin jiray khataraha amni ee ku soo wajahan.

Dowladda Canada ka saarista isbahaysigan , waxa uu sirdoonkooda u rogaysa, sida kuwa hadda la dhisay waxay u baahanayaan dhaqaale badan oo ay ku raadiyaan macluumaadka sirdoon iyo wakiillo horleh , tana waa mid ka mid ah marxaladaha amni ee ugu xun taariikhda oo ay wajihi karto Canada…!

Related posts

Qaybta 1aad :-Maxaad kala socotaa Mucjisooyinkii cajiibka ahaa ee la siiyey Nebi Muuse CS?

admin

Dad ka badan boqol qof oo dhintay xili ay ku sii jeedeen Qaarada Yurub

Caydiid Ali

Madasha Iskaashiga Carabta & Aasiya oo ka hor yimid heshiiskii Itoobiya & Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---