Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyay magaalo ku taal koonfurta caasimadda Suuriya, iyo sidoo kale gobolka koonfureed ee Darcaa goor dambe oo Talaadadii ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka, ilo-wareedyo dhanka amaanka ah iyo TV-ga maxaliga ah ee Suuriya.
Diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeeyay magaalada Kisweh oo qiyaastii 20 kiiloomitir u jirta koonfurta Dimishiq sida ilo wareedyada ay sheegeen. Laamaha ammaanka ayaa sheegay in la beegsaday goob ciidan, iyadoo aan faah faahin dheeraad ah laga bixin.
Milateriga Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen mar dambe ku sheegay, in ay weerareen bartilmaameedyo militari oo ku yaalla koonfurta Suuriya oo ay ku jiraan xarumo iyo goobo ay ku sheegeen in uu hub yiil.
Hadal uu soo saaray afhayeenka wasiirka difaaca Israel Katz ayaa lagu sheegay, in ciidamada cirka ay si xoog leh u weerarayaan koonfurta Suuriya, taas oo qayb ka ah siyaasadda cusub ee ay qeexeen ee lagu nabadeeynayo koonfurta Suuriya fariintuna ay cadahay iyagoo aan dooneeyn in Koonfurta Suriya noqoto koonfurta Lubnan.