Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Abwaan Nageeye lagu dilay dagaalkii Al-Kowsar?

Sida uu sheegay Daa’uud Xaaji Cirro afhayeenka Madaxtooyada Hirshabelle Abwaan Nageeye ayaa ka mid noqday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay dagaal culus oo maanta ka dhacay degmada Al-kowsar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Daauud Xaaji Ciro ma soo bandhigin cadeymo muujinaya geerida Abwaan Nageeye, mana jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya ama beeninaya geeridiisa, iyadoo Al-shabaab dhinacooda aan looga baran iney hadlaan arrimahan oo kale.

Abwaan Nageeye ayaa maalmahan ku sugnaa Magaalada Jilib ee Jubada Dhexe oo qeyb ka ah goobaha ay Al Shabaab si buuxda uga arrimiso wuxuuna dhowaan ka soo muuqday filim ay baahisay Al-shabaab isagoo qeyb ka ahaa ciidamo ka tirsan kooxdaas oo tababar loo soo xiray.

Ninkan oo ka soo jeeda gobolada woqooyi ee Somalia ayaa ka mid ahaa Macalimiinta Jaamacadda umadda oo ay dowlada Somalia gacanta ku heyso, ka hor inta uusan si lama filaan ah ugu baxsanin degaanada kooxda Al shabaab sanadkii hore,   ilaa markii dambe uu cadeystay inuu ku biiray kooxdaas iyadoo aan la ogeyn weli sababta ku riixday talaabadaas.

Related posts

Ciro oo Wareegto ku Magacaabay xilal kala duwan (Magacyada)

Caydiid Ali

Maxaa sababay khilaafka cusub ee soo kala dhex galay gudoonka Baarlamanka Hirshabelle?

Caydiid Ali

Puntland oo si rasmi ah u cadeesay Go’aankeeda ku aadan Mudo kororsiga Dowlada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---