Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka & DF Somalia oo iska kaashaday duqeymihii Sh/dhexe

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka ayaa iska kaashadey hawlgal lagu laayey tiro badan oo Al Shabaab ah oo ka dhacday Shabeellaha Dhexe sida lagu sheegay War-saxaafadeed caawa ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumada Somalia kaasoo ku bilowday sidan hoose:-

War-saxaafadeed

Muqdisho, 25-ka Febraayo 2025, Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Howgalka Militariga Mareykanka ee Afrika ( AFRICOM ) oo iskaashanaya ayaa  fuliyay howlgal  duqeyn ah oo lagu naafeeyay cadowga argagixisada ah ee maanta ku hungoobay, laguna jabiyay weerar ay ku soo qaadeen magaalada Alkowsar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Duqeynta oo ay fuliyeen US AFRICOM oo kaashanaya Ciidanka Qaranka ayaa lala beegsaday firxadka maaleeshiyaadkii iyo horjoogayaashii Khawaarijta  ee lagu jabiyay dagaalkii maanta ay la galeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka.

Wali waxaa socota qiimeynta khasaaraha gaaray cadowga oo aad loogu naafeeyay dagaalkii maanta, waxaana dadweynaha Soomaaliyeed la socodsiin doonaa hadba wixii ka soo kordha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Howlgalka AFRICOM ee Mareykanka waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta oo cadow ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale.

-DHAMMAAD-

Related posts

Daawo Sawirada: Wiil Soomaali ah noqday qofkii ugu da’da yaraa ee ka qaata shahaadada PhD-ga jaamacad ku taala dalka…

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo u mahad celiyay Dowlada Mareykanka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Aqalka Sare oo mar kale loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---