Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano loo diiday iney ka dhoofaan Garoonka Aden Cabdulle

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka baarlamanka Somalia ayaa maanta laga soo celiyey garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada kala ah Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Cumar Qaladiid oo ka soo jeeda Jubbaland ayaa loo diiday in ay ka dhoofaan Garoonka Aadan Cade.

Xildhibaanadan oo ku sii jeeday magaalada Kismaayo ayaa lagu celiyay amar kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan.

Labada Xildhibaan oo shir Jaraa’id qabtay ayaa cambaareeyey falka lagula kacay, waxayna ku eedeeyeen Madaxweyne Xassan Shiikh inuu ku dhaqmayo ficiladii uu ka dhiidhiyey xiligii uu mucaaradka ku ahaa dowladii Farmaajo.

Waxay sheegeen in Xassan Shiikh uu bilaabay caburinta dadka ka feker duwan siyaasadiisa, ayna xaq dastuuri ah u leeyihiin iney si xor ugu safraan halkii ay doonaan.

“Xasan Sheekh isagoo ciil qabuu kursiga ku fariistay, in uu aarsado ayuuna doonayaa, wixii lagu wada joogay maadama ay burbureen nin kasta deegaankiisii ayuu u laabanayaa”.ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka

Cabdi Cade

Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii lagu weeraray Hotelka Saxafi oo sii kordhay

Cabdi Cade

Haweeney Xaamilo aheyd oo loo dilay Sooryo laga dhiibi waayay Owgeed (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---