Allbanaadir.com
NEWS

Duqeymo cirka ah oo mar kale ka dhacay Buuraha Calmiskaad

Duqeyn cirka ah oo ka dhacday deegaanka Miiraale ee Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa la soo sheegayaa iney lagu laayey xubno badan oo ka tirsan Daacish.

Taliska howlgalka ciribntirka argagaxisada ee Puntland ayaa sheegay in duqeyntaas lagu dilay 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish  kuwaasoo isku dayayey inay dib isku uruuriyaan.

Weerarkan waxaa fuliyey xulafada Puntland, gaar ahaan dayuuradaha Droneska Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo gantaalo la helay talis ay ku sugnaayeen xubnaha la dilay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 20 ka mid ahaa kooxda Daacish lagu dilay 24kii saac lasoo dhaafay Dhadaar & Miiraale xili ay ka firxanayeen degaanadaas, iyagoo u diga rogtay dhanka Ceelka Wangable oo ka tirsan degmada Qandala una jira masaafo dhan 25-Km.

Wajiga 2aad ee Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Calmiskaat ayaa ku sii siqaya dhammaad, iyadoo kan 3aad lagali doono oo sifeynta sida uu sheegay Taliska howlgalka ciribntirka argagaxisada ee Puntland.

Related posts

Tirada Dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo u gudbay dhinaca Itoobiya oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Shir looga hadlay qodob muhim ah oo lagu qabtay xafiiska Raisul Wasaaraha (Sawirro)

Caydiid Ali

Dib u dhis lagu bilaabay xaruntii Inji ee laga saaray Ahlu Sunna (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---