Allbanaadir.com
NEWS

RW Xamse oo ka hadlay Guulaha dagaaladii ka dhacay Hiiraan iyo Sh/dhexe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey guulaha ay ka gaareen Ciidamada Qaranka iyo kuwa Deegaanka dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al shabaab ee ka dhacay maanta deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in geesiyaasha huraya naftooda ee u dhimanaya difaaca dalkooda iyo dadkooda ay baal dahab ah ka geli doonaan taariikhda, isaga oo hoosta ka xarriiqay in marnaba aan laga hari doonin wax uu ugu yeeeray Khawaarijta goob walba oo ay ku sugan yihiin, maadaama ay u taagan yihiin buu yiri ka been sheegga diinta, daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta maalka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan bogaadinayaa guulaha isdaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, iyada oo jab xoog leh la gaarsiiyey kooxaha Khawaarijta ah, lagana sifeeyey goobo badan oo ay ku dhuumaaleysanayeen, isla markaana ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed, oo hadda la gaarsiiyay harka dowladnimada”. ayuu yiri Xamse

Waxaa uu tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxoo uu ku sheegay khawaarij oo diiddan nabadda Soomaaliya iyo in bulshada la gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin, maadaama ay iyagu hortaaggan yihiin wax walba oo horumar u horseedaya dadka iyo dalka.

Related posts

Shil Gaari oo naxtin leh oo dad ku dhinteen oo goordhaw ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

K/Galbeed oo shaacisay qeybtii labaad kuraasta lagu dooranayo Baraawe (Akhriso)

Caydiid Ali

Shiinaha oo Dhool tus Milatari ka bilaabay Taiwan iyo Xiisad ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---