Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo lagu laayey Al Kowsar & Cadow Gurey

Al-Shabaab ayaa maanta weeraray deegaannada Alkowsar iyo Cadow Gurey, oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo dagaal culus uu ka dhacay.

Aroornimadii hore ee maanta, kooxda Al-Shabaab oo iska soo hormarisay laba qof oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa weerar ku qaaday deegaanasa Cadow Gurey Al Kowsar, oo saldhig u ah ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala inta u dhexeysa degmooyinka Halgan iyo Buuloburde.

Dagaalka oo socday saacado badan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka qeyb qaatay ciidanka kumandoska Danab iyo dayuuradaha Dronerka Mareykanka oo cirka ka taageerayey.

Saraakiisha ciidamada DF ayaa sheegay in dagaalkaas si xun loogu jebiyey Al Shabaab isla markaana lagu dilay ciidan fara badan.

Barta Telegram ayaa lagu soo bandhigay meydad fara badan oo ah xubnihii dagaalkaas looga dilay Al shabaab iyo sidoo kale kale gaadiid dagaal oo laga gubay.

“Khawaarijtii weerarka soo qaaday ayaa goobta lagu xasuuqay, waxaana sidoo kale la gubay gaadiid ay wateen iyadoona laga furtay hub fara badan” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada DF oo dagaalkaas qeyb ka ahaa.

Ciidanka DF iyo kuwa deegaanka ayaa wali ku guda jira firxadka kooxda Al-Shabaab kuwaasoo u kala firdhaday degaanada howdka ah ee ku yaalla hareeraha Al Kowthar waxaana hadda degan xaalada degaanadaas

Al shabaab ayaa maalmahan isku dayeysa iney dib u qabsato degaano horey looga saaray oo ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe inkastoo aysan u suuragalin oo si xun loogu jeebiyey weerarada ay soo qaadeen.

Related posts

Cadaadis Xooggan oo la saaray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Beesha caalamka oo…

Cabdi Cade

Iceland oo si xushmad daro ah ula dhaqantay Xulka Qaranka Turkiga

Cabdi Cade

Weriye dhaliilay dowlada Xassan Shiikh oo xabsiga la dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---