Madaxweynaha maanulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa wada dardagelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ka bilowday deegaannada Hirshabelle.
Madaxweynaha ayaa dhiirogelin ugu tagay ciidamo macawiisleey oo qeyb ka ah howgalka socdo, kuwaas oo ku sugan deegaanka Juxaay ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Hoggaanka ciidamada Macawiisleeyda uu la kulmay Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa wacad ku maray inay goob walba ku weerari doonaan kooxda hubeysan ee Al Shabaab.
“Lama joogo waqti aan gacmaha ka laabbano damaca guracan ee Khawaarijta. Guud Hirshabeelle waxaa ka socdo dagaal geeri ama gobanimo ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Gunaanudkii, Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa xusay inay guuldareysteen isku dayadoodii Caddoow-Gureey, Al-Kowsar iyo Ceel Cali Axmed.