Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Wakiilka IGAD ee Soomaaliya

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamuud Cabdi Axmed, waxaana Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu uga warbixiyay shaqada xafiiska IGAD ee Soomaaliya iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan sanadkan.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa xafiiska ururka IGAD ee Soomaaliya ku bogaadiyay shaqada ay hayaan maadaamaa Soomaaliya kaalin weyn oo firfircoon ku leedahay dhisida urur goboleedka IGAD.

Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo ah Agaasimaha Xarunta la qabsiga Cimilada ee IGAD iyo Axmed Xasan oo ah La taliyaha Xogayaha IGAD.

Related posts

Ciidamada booliiska oo Baaritaano ka bilaabay xaafadaha Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Ankara kula tukaday ciida Madax Turki ah (Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Muxuu Wasiir Fartaag kala hadlay Danjire Alper AktaÅŸ?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---