Allbanaadir.com
NEWS

Hirshabelle oo ka hadashay qoraal caro badan maanta abuuray

Baarlamaanka maamulka Hirshabelle, ayaa si adag u beeniyay qoraal baraha bulshada ku baahay maanta, kaa oo la sheegay in uu qoray xildhibaan katirsan maanulkaasi.

Nin la sheegay in uu yahay xildhibaan katirsan Baarlamaanka Hirshabelle , ayaa qoraal uu bartiisa ku daabacay ku bogaadiyay kooxda Al Shabaab, waxa uuna ninkan durayay beesha Xawaadle oo horey loo sheegay in ay u gurmaneyso deegaanka Ceelbaraf.

‘’Barlamaanka Hirshabelle waxuu cadeynayaa inuusan jirin kana tirsaneen Barlamaanka Hirshabelle shaqsiga baraha bulshada la soo dhigay gaar ahaan Facebook ee dhiirigeliyay Khawaarijta, Hirshabelle waxay dagaal adag kula jirtaa argagixisada mana jirto sabab Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Dowladda Hirshabelle uu qoro arrin caqabad ku ah dagaalada khawaarijta looga xoreyna deegannada Hirshabelle iyo guud ahaan Dalkeena” ayaa lagu yiri qoraal goordhaw kasoo baxay guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle.

“ Qoraalka kasoo baxay Baarlamaanka Hirshabelle ayaa intaas kusii daray” Waxaan Umadda Soomaaliyeed ogeeysiineynaa ineey ka dig doonaadaan dhagarta khawariijta oon ahaayn gacan ka hadal kaliya, balse sidoo kale ay muhiim tahay in la fahmo sida ay u isticmaalaan warbaahinta iyo aaladaha kale ee bulshada”

Qoraalka uu daabacay ninkan la sheegay in uu yahay xildhibaan katirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa caro badan abuuray, dadkii faalooyinka ka bixiyay ayaana si kulul u cambaareeyay qoraalkaasi iyo qofkii soo dhigay.

Related posts

Dagaalo culus oo goor dhow ka qarxay degaanka Camaara ee gobolka Mudug

Caydiid Ali

Golle Deegaan oo aqoonsaday Somaliland iyo Muuse Biixi oo ka hadlay

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in ciidamadii uu tababaray Imaaraadka lagu wareejinayo dowlad kale?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---