Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta si cad u sheegay inuu Turkiga badbaadin karo Yurub oo uu xal u heli karo dhibaatada ay kala kulmayaan xaaladda Ukraine, walaac ay kala kulmayaan difaaca Yurub iyo dib u soo nooleynta qaaradda , taa oo ku dhici karta sida u sheegay haddii reer Yurub ay oggolaadaan xubinnimada Turkiga ee ururka Midowga Yurub.
Turkiga ayaa codsanayay tan iyo sannadkii 1987, xubinnimada Midowga Yurub , waqtigaa dheer oo ay mar walba reer Yurub ay ka soo horjeedeen in Turkiga uu ka mid noqdo Midowga Yurub. Laakin muxuu u doonayaa Turkiga xubinnimada Midowga Yurub?
Turkiga waa dal leh warshado wax soosaar, wuxuu ka helaya Yurub suuq furan , oo u rogaysa Turkiga quwad dhaqaale , ma aha waxa ay doonayaan intaa kaliya Turkiga ayaa noqonaya awood kale oo difaac, wuxuuna si fudud ku gaaraya inuu noqdo quwad kale oo militeri, xilli waqtigan uu Turkiga yahay dalka ugu sarreeya ciidanka NATO ee dalalka Yurub .
Dalka Turkiga ayaa sidoo kale doonaya inuu ku qabsado Yurub dadkiisa ku dhow boqolka milyan oo hadda lagu sheego 87 milyan oo u badan dhallinyaro, waqtigaanna Yurub waxay la daaladhacaysaa da’da weyn ee dadkooda; iskudarka arrimahan Turkiga ayaa helaya maqaam sare oo u rogaysa quwad caalami ah oo aan la kulmeyn cunaqabateynta reer galbeedka..!