Koox burcad ah ayaa xaday suuli ka sameysan dahab lacag tiro badan lagu qiimeeyay, waxaana burcadan oo la tuhmayo in loo fududeeyay falka xatooyada ku qaadatay in fadhiga suuliga oo ka sameysan suuli ku qaataan muddo shan daqiiqo ah.
Fadhiga suuliga ee la xaday ayaa ku yaallay Qasriga Blenheim ee dalka Ingiriiska, waxaana lagu qiimeeyay dahabka suuliga ka sameysnaa lacag gaareysa £4.8 milyan, waxaana suuligan loo isticmaalay bandhig lagu qabtay Oxfordshire, dalka Ingiriiska, bishii September sannadkii 2019.
Xatooyada suuligan in ay fududeey ayaa waxaa loo heestaa oo maxkamad loo soo taagay Michael Jones, oo 39 jir ah,Fred Doe, , 36 jir ah, iyo 41-jirka Bora Guccuk, raggan ayaana dhammaantood beeniyay in ay fududeeyeen xatooyada suuligan dahabka ka sameysnaa.
Dacwad-ooge Julian Christopher KC ayaa maxkamadda u sheegay in burcad ka kooban shan oo labo gaari watay ay ka gudbeen albaabbada xiran ee Qasriga Blenheim Palace aroor hore 14-kii September 2019 ayna xoog ku galeen dhismaha iyagoo watay qalabka wax lagu jebiyo sida buruska.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com