Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka JFS ee Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa safiirka dowladda Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamad Al-Muwalad.
Kulankan ayaa daaranaa iskaashiga dhinacyada cadaaladda iyo garsoorka ee dowladaha Sucuudiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan xaaladihii ugu dambeeyay ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maxkamadaha Sucuudiga ku xukumeen xukuno dil ah.
Wasiir Xasan Macallin ayaa safiirka Sucuudiga u gudbiyay walaaca ay ka qabaan tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu xukumay xukunno dil ah. Sidoo kale, waxa uu safiirka la wadaagay rabitaanka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan in xaaladaha sharci ee muwaadiniintaas laga wada hadlo, isla markaana ay wasaaradaha cadaaladda ee labada dal kala saxiixdaan heshiisyo iskaashi oo ku saabsan garsoorka. Heshiisyadaas ayaa ujeedadoodu tahay in lagu xalliyo xaaladaha noocaan oo kale ah, si loo dardargeliyo is-dhaafsiga eedeysanayaasha iyo xukun-sugayaasha labada dhinac.
Safiirka dowladda Sucuudiga, Mudane Al-Muwalad, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Cadaaladda soo dhaweyntiisa, isaga oo muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladaha soo cusboonaaday. Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay in ay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hay’adaha cadaaladda, kala shaqeyso sidii iskaashi looga sameyn lahaa dhinacyada kor ku xusan.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ,ayaa uga mahadceliyay safiirka iyo dowladda Sucuudiga wada shaqeynta iyo xiriirka dhow ee diblomaasiyadeed.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com