Allbanaadir.com
NEWS

Bidaar saf mar ah oo ka dilaacday gobol ka tirsan dalka India

Tuulooyin hoos yimaadda gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ayaa lagu soo warramayaa inay ka dillaacday bidaar saf mar oo timaha ka daadinaysa qaar ka mida dadkii halkaas ku dhaqnaa kuwaasoo dumar iyo caruur xitaa ay ku jiraan.

In ka badan 200 qof ayaa la soo werinayaa inay bidaar yeesheen maalmo gudahood iyadoo tiradu weli sii kordhayso.

Dadka ayaa la kulmaya xaalad argagax leh oo mar keliya timuhu ka daadanayaan taasoo abuurtay walaac aad u badan.

Dawladda Hindiya oo khubaro caafimaad u dirtay goobahan ay bidaartu ka dillaacday ayaa sheegtay in aanay jirin illaa hadda calaamado muujinaysa inuu dadka ku dhacay xanuun faafaya oo dadka timaha ka daadinaya.

Waxana ilaa hadda socota dedaallada lagu ogaanayo waxa sababay tima daadashada xawliga deegaannadaas ugu fidaysa.

Si loo ogaado sababta asalka u ah, mas’uuliyiintu waxay sidoo kale baarayaan tayada ilaha biyaha deegaanka. Muunado laga soo ururiyay tuulooyinka ayaa la tijaabinayaa si loo ogaado wasakhowga suurtagalka ah, taasoo ka qayb qaadan karta tima daadashada deg dega ah.

Xaalada ayaa walaac ku abuurtay dadka deegaanka, iyadoo dadka deegaanka ay isla dhexmarayeen iney tuhunsan yihiin waxyaabo ku saabsan wasakhowga jawada ama arrimo kale oo deegaan oo saameyn ku leh biyahooda. Maamulka ayaa shacabka u xaqiijiyay in la qaadi doono talaabooyinka lagama maarmaanka ah si wax looga qabto dhibaatada marka natiijada baaritaanka la helo.

Warar dheeraad ah ayaa la sugayaa iyadoo baaritaanadu socdaan, waaxda caafimaadkuna waxay ku boorinaysaa dadka deegaanka inay isdejiyaan oo ay raacaan talada caafimaadka.

Related posts

Al Shabaab oo sheegtay in Qarax Ismiisaamin ah ku qaadeen Ciidamo Mareykan ah

Cabdi Cade

Jeneraal sheegay in Al Shabaab laga dhax helayo Madaxtooyada iyo Golaha Wasiirada

Cabdi Cade

Ciidamo gaar ah oo loo diyaariyay Doorashada Soomaaliya iyo Warar kala duwan oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---