Hoggaamiyayaasha Carabta ayaa ku kulmaya Qaahira , 4 bisha Maarso — toddobaad kaddib, si ay usoo bandhigaan jawaabta mowqifka qorshaha Trump ee la xiriira inuu la wareegayo Qasa, sidoo kalena barakicinayo dadka Falastiiniyiinta ee Qasa.
Shirku, wuxuu ka duwanyahay mid kasta oo hore oo la xiriira arrimaha Falastiiniyiinta, sabab la xiriirta waxaa sare maray codka Carabta ee ka soo horjeeda ururka Xamaas ee maamulla marinka Qasa,halkaa oo 15 bilood ee u dambeysay ay ka wadeen iska caabin ka dhan ah Israa’iil iyo xulafadeeda ku taageerraya dagaalkan.
Sidee ula kulmaysa Xamaas cadaadiska Carabta?
Ururka Xamaas, hadda wuxuu wajahaya cadaadis uga imaanaya dalalka Carabta , waxayna inta badan taageersanyihiin in ururkan la burburiyo, sidoo kalena gacantooda laga saaro marinka Qasa.
Dalalka Carabta , gaar ahaanna waddamada khaliijka , Masar iyo Jordan waxay diiddeen qorshaha barakicinta ee Trump , balse waxaa jirta wax ay ku raacsanyihiin Trump iyo Israa’iil; waa in Qasa laga saaraa Xamaas..!
Boqor Cabdallaha labaad ee Jordan, oo ah hoggaamiyaha Carbeed ee kaliya oo booqday Aqalka Cad , tan iyo markii Trump uu soo bandhigay qorshihiisa barakicinta dadka Qasa ayaa intaa uu Washington ku sugnaa , wuxuu u sheegay qaar ka mid ay xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka Mareykanka , gaar ahaanna kuwa xisbiga jamhuuriga ee ku dhow Trump , inay Carabta soo bandhigi doonaan qorshe lagu wada qanci karo oo ka wanaagsan midka Trump uu soo bandhigay ee barakicinta, hadalkan oo warbaahinta Carabta ay ku sheegtay inuu la xiriira inay Carabtu oggolaanayaan doonista Israa’iil iyo Trump oo ah in marinka Qasa laga saaro Xamaas..!
Wargeyska Al Ahram Weekly oo dawladda Masar ay maamusho , ayaa dhankiisa toddobaadkii hore soo bandhigay qorshe ay wado Masar oo lagu doonayo in shirka 4 bisha Maarso ka dhacaya Qaahira lagu ansixiyo, kaasoo wata ciwaanka ‘dib u dhiska Qasa’ , balse warbixinta wargeyska ayaa sidoo kale caddeysay qorshaha Masar inay ku jirto in ururka Xamaas laga saaro marinka Qasa.
Ka hor shirka loo ballansanyahay, waxaa toddobaadkii hore magaalada Riyaad ee xarunta dalka Sacuudiga ku kulmay hoggaamiyayaasha khaliijka oo ay weheliyaan Madaxweynaha Masar iyo Boqorka Jordan , iyagoo dood adag ka yeeshay masiirka Qasa iyo habka loo maamullayo, tan oo aysan wax heshiis ah ka gaarin, balse waxay inta badan isku raacsanyihiin inaysan oggolaan doonin joogitaanka Xamaas ee Qasa..!
Wargeyska ka soo baxa Ingiriiska ee The Guardian, ayaa warbixinta uu uga hadlay kulanka Riyaad ee toddobaadkii hore , wuxuu sheegay inuu dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga , Maxamed Bin Salmaan , si weyn uga carooday hab dhaqanka Xamaas, wuxuuna taageersan yahay in kooxdan la burburiyo oo laga saaro Qasa, tan oo ay ku raacsanyihiin inta badan hoggaamiyayaasha kale , hadallada ka soo baxay dhaxal-sugaha cidda xoojisay oo taageerrada siinaysay wuxuu ahaa boqorka Jordan oo mowqif adag ka taagan Xamaas, wuxuuna doonaya inan loo oggolaan in kooxdan ay joogitaan ku yeelato Qasa!
Shabakadaha kale ee Carabta , ayaa ku warramay waddamada Carbeed inay ka caraysanyihiin awoodda ay soo bandhigayso Xamaas, oo ay ku muujisay inaysan tahay mid xooggan wali xataa 15 bilood oo dagaal xasuuq ah ay ka waday Israa’iil gudaha marinka Qasa, balse dagaalka laguma gaarin natiijo wax u dhintay Xamaas , marka la fiiriyo muuqaallada iyo sawirrada laga soo bandhigay Qasa, gaar ahaan maalmaha ay Xamaas sii deynayso maxaabiista Israa’iil..!
Shirka Carabta , waxaa dib loo dhigay ugu yaraan labo mar, taa beddelkeeda waxaa lagu aadiyay saddex maalin kaddib marka uu dhammaaday wajiga koowaad ee xabbad-joojinta Qasa, waxa xigay waa inay Israa’iil joojisay ku sii socoshada heshiiska , kaddib markii ay si cad u diidday inay xabsiyada ka sii deyso 620 maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ahayd in la sii daayo Sabtidii toddobaadkan,tallaabo ay Xamaas ku sheegtay inay Israa’iil qaadatay mowqif ay ku burburinayso heshiiska , mana jirto wax ka dhaqangalay baaqyo ay saddexdii maalin ee u dambeysay u dirtay dhexdhexaadiyayaasha heshiiskan ee kala ah ; Qatar, Masar iyo Mareykanka! Waxa la maqlay waa inuu xalay soo baxay Netanyahu oo sheegaya inay isku diyaariyeen dagaal oo ay xilli walba dib ugu laaban karaan xasuuqa ay ka wadeen Qasa..! Hadalladam ma helin cambaareyn, waxaana kordhaya walaaca laga qabo masiirka heshiiska, iyadoo aysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray wajiga labaad oo heshiiska oo Xamaas ay maanta caddeysay inaysan ka qeybgali doonin illaa maxaabiista falastiiniyiinta la sii daayo..!
Muxuu gaarsiinaya Xamaas , cadaadiska uga imaanaya Carabta ?
Mowqif kasta oo ka soo horjeeda Xamaas, wuxuu gudaha Carabta kala kulmayaa kala qeybsanaan , balse si cad codka xooggan ee dalalka khaliijka oo ka soo horjeeda Xamaas, wuxuu horseeda cadaadis saameyn ku leh Xamaas , sidee ? Xamaas ma jirto taageerro ay hesho dalalka khaliijka marka laga soo tago taageerrada diblomaasiyadeed iyo inay degganyihiin Qatar, balse inay bannaanka ula soo baxaan dalalka xooggan ee Carabta codka diidmada ee ka dhanka ah Xamaas, taasi waxay halis ku tahay mustaqbalka ururka , sidoo kale inay la yimaadaan qorshe ka soo horjeeda midka Trump ee barakicinta dadka Qasa, balse lagu soo daro inay Xamaas noqoto cidda ka baxaysa Qasa, si dagaalka loo soo afjaro waxay ku noqonaysa Xamaas kala doorasho adag, waxayna tixraacayaan dalalka Carbeed diidmada Israa’iil iyo Mareykanka oo ka soo horjeeda inay Qasa maamullaan ururka Xamaas, dagaalkooduna uu soconayo illaa ururkan meesha laga saaro! Hadda awood milateri taasi kuma aysan gaarin Israa’iil, balse shaqada ay qaban waayeen Mareykanka iyo Israa’iil oo Qasa ka saaraysa ururka Xamaas , waxay noqon karaan cidda qabanaysa Carabta ,oo ku xiraya joojinta dagaalka, markaa oo ay Carabta iyo dunidda kale usoo muujinayaan inay Xamaas tahay cidda diiddan joojinta Qasa, sabab la xiriirta ma jirto waddo kale waa inay ‘Xamaas baxda , marka waa la joojin xasuuqa’! Ma sameyn doonaan Xamaas inay ka baxaan Qasa? Dabcan tani waxay ku dhici kartaa haddii ay Xamaas helaan heshiis dammaanad qaadaya amniga dadka Qasa iyo dhismaha dawladda Falastiin..!
IMAN JAMA