Qaraxa miino ayaa caawa ka dhacay Degamda Heliwaa ee Gobolka Banaadir kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan
Qaraxa ayaa la dhigay Goob ay Ciidamada Dowladda fadhiistaan Subixii si ay u baaraan gaadiidka Dadweynaha balse goobta ay ka hoyaadaan xilliyada habeenkii.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uusan sababin khasaara nafeed balse uu burburiyay darbi ku yiilay barta ay Ciidamadu fariistaan.
Goobta qaraxa la dhigay oo u dhaxaysa Baar Jowhar iyo Xero Maslax ayaa qaraxa kaddib waxaa tagay Ciidamada Dowladda kuwaasoo baaritaano bilaabay lamana sheegin inay dad u soo qabteen qaraxa dhacay iyo in kale.
Magaalada Muqdisho ayaa mjudooyinkan aheyd mid nabdoon, waxaana si weyn hoos ugu dhacay qaraxyada iyo weeraradii ismiidaaminta ahaa ee sanadihii la soo dhaafay ka dhacayey.