Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaaraha Israel Netanyahu oo la feeray

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Israa’iil oo la yiraahdo Nama Lazimi ayaa sheegtay in wiilka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu la masaafuriyay kaddib markii uu feeray aabbihiis.

Lazimi waxay hadalkan ka sheegtay kulanka Guddiga Maaliyadda ee Baarlamanka Israel ama Knesset-ka, iyadoo soo hadal qaadday maalgelinta safarka xaaska Netanyahu Sara Netanyahu, ee Maraykanka iyo kharashaadka amniga ee loo qoondeeyay wiilkooda Yair Netanyahu oo ku nool magaalada Miami.

“Waxaan rabaa inaan wax ka weydiiyo joogitaanka muddo laba bilood ah ee xaaska Ra’iisul Wasaaraha, Sara Netanyahu, ee dibadda. Waxaan rabaa inaan ogaado cidda maalgelisay safarkan, kharashka ku baxay, iyo miisaaniyadda laga bixiyay,” ayay tiri Lazimi.

Waxay intaa ku dartay: “Waxaan sidoo kale wax ka weydiinayaa wiilka Ra’iisul Wasaaraha, Yair Netanyahu. Warbixin hore oo sheegtay in amnigiisu ku kacayo ilacag (US$701,000) sanadkiiba.”

“Waxaan rabaa inaan ogaado in lacagtan weli miisaaniyadda ku jirto iyo in wali lagu taageerayo joogitaanka wiilka Ra’iisul Wasaaraha dibadda, maadaama uu garaacay aabbihiis, taasoo lagu tilmaami karo dhaawac gaaray awoodda dowladeed.” ayey intaas ku dartay.

Markii xildhibaannada kale ay su’aalo ka keeneen sheegashadeeda, Lazimi waxay ku adkaysatay in wiilka Netanyahu loo masaafuriyay dibadda markii uu feer la dhacay aabihiis.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay xisbiga Likud ee Netanyahu ayaa sheegashadaas ku tilmaamay “been cad” wuxuuna ku hanjabay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono xildhibaanada.

“Naama Lazimi waxay lumin doontaa xasaanaddeeda oo waxay bixin doontaa magdhaw, qof kasta oo faafiya beentan xunna dacwad ayaa lagu soo oogayaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xisbiga Likud.

Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska The Times of Israel bishii Maarso 2024, kharashaadka amniga ee Yair Netanyahu inta uu ku nool yahay guri raaxo leh oo ku yaalla Miami – oo ay ku jiraan darawal iyo ilaalo ka tirsan cutubka 730 ee ShinBet – ayaa gaaraya 200,000 shekel (US$ 560,000). Arrintan ayaa noqotay dood sii xoogeysanaysa oo ka dhex taagan siyaasadda Israa’iil.

Related posts

(Akhriso) Baarlamanka Somaliland oo ansixiyey xeer ka dhan ah dowlada Somalia

Caydiid Ali

Shirkii IGAD ee ku Saabsanaa Xaaladaha ka taagan South Sudan oo la soo Gabogabeeyay!!(Daawo Sawirada)

admin

Gudoomiyihii Degmada Hodan oo la dilay kadib markii uu Muqdisho kusoo laabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---