Allbanaadir.com
NEWS

Nin ayeeyadiis ku gowracay Sh/hoose oo dil lagu xukumay (Sawirro)

Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday Yuusuf Jeylaani Seef, kaddib markii lagu helay dambiga dil bareer ah oo uu u geystay ayeeydiis, Xaawo Cabdi Xasan (Afikirow), 4-tii bishan, gudaha Degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose

Xafiiska Xeer Ilaalinta Koonfur Galbeed ayaa eedeysanaha ku soo oogay dacwad adag, isagoo ku eedeeyay inuu jabiyay Qodobka 434 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo lala aqriyay Qodobka 24, Farqada 1aad iyo Qodobka 39, Xarafka (D), kuwaasoo si cad u qeexaya dambiga dilka bareerka ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed, Dr. Axmed Cali Musse oo hoggaaminayay dhageysiga dacwadda, ayaa go’aamiyay in Yuusuf Jeylaani Seef lagu xukumo dil toogasho, si loogu fuliyo qisaasta marxuumad Xaawo Cabdi Xasan, loogana dhigo cashar adag oo ka hortagaya dambiyada arxan-darrada ah.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilaabay maalmihii lasoo dhaafay in si dhaqsiyo leh loo toogto dadka geysta dilalka deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed si looga hortaggo dambiyadda abaabulan.

Related posts

Xildhibaano mooshin u gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo Isbitaal ku booqday Askar ku dhaawacantay dagaalka Laascaanood (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha shacabka oo ansixiyey sharciga NISA & Mahad Salaad oo ka fal celiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---