Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo gaaray degaan ay saaka weerartay Al-Shabaab

Guud ahaan Hirshabeelle waxaa ka socda (Hirshabeelle iyo howlgalka dabar-goynta Al-Shabaab oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Daraawiishta Hirshabelle, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Degaanka ayaa saaka waxay fooda is dareen xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo deegaankaasi soo weeraray

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa booqday deegaanka Caddaan-laxeey waxana uu dhiirogelin ugu tagay ciidamada kala duwan ee ka hor tagay Al-Shabaab.

“Hirshabeelle markale ayay dagaal adag ku jirtaa, Caddaan-laxeey waxaad ka sameyseen halgan gobbanimo ah. Waxaan wadnaa abaabul xooggan oo dagaalka ah.” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa tilmaamay in Hirshabeelle ay weli tahay wax uu ku tilmaamay fagaaraha gumaadka argagixisada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

(Akhriso) Golaha amaanka ee QM oo War kulul ka soo saaray qaraxii Ex-control Afgooye

Caydiid Ali

Xassan Shiikh & Jonas Gahr Støre oo wada guddoomiyey madasha Oslo Forum (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo: Odayaasha Seylac oo sheegay iney dagaal ka xigaan damaca Badda ee Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---