Shabakadda Hornof Africa Intelligence , ayaa soo bandhigtay warbixin lagu muujiyay sida ay marxalado isku mid ah u wajahayaan Ukraine iyo Soomaaliya , kaddib tobannaan sanno oo labada dal ay wajaheen xasillooni darro, dagaal, iyo faragelin shisheeye. In kasta oo sababaha qalalaashoodu ay kala duwan yihiin, hal arrin oo muhiim ah ayaa inta badan la iska indhatiraa; khayraadkooda macdanta! Labada dal ayaa la rumeysan yahay inay heystaan ​​macdan aad u badan oo qiimo leh, taasoo ka dhigaysa bartilmaameed istaraatiiji ah. Duullaanka Ruushka ee Ukraine waxaa qayb ka ah rabitaankiisa ah inuu xakameeyo kheyraadka Ukraine. Dhanka kale, Soomaaliya ayaa weli ku jirta fowdo ka dhalatay khilaafyo gudaha ah iyo nidaamyada aan xoogganayn, taasoo u diidaysa inay khayraadkeeda ka faa’iideysato. Warbixintan ayaa daahqaadaysa sida labadan dal ay dhibane ugu noqdeen khayraadka ay qaniga ku yihiin!
Aan ku horreyno Ukraine oo bartilmaameed u noqotay Ruushka;
Ukraine waxay hoy u tahay qaar ka mid ah kaydka macdanta ugu weyn adduunka. Waxay leedahay kayd badan oo bir, titanium, uranium, iyo lithium. MacdantaLithium, waa qayb muhiim ah marka laga hadlayo wax soosaarka baytariyada iyo baabuurta korantada, waqtigaanna waa mid ka mid ah macdanta loogu doonista badan yahay adduunka!
Ruushka, oo ah waddan qani ku ah saliidda iyo gaasta, ma heysto kaydka lithium-ka ee muhiimka ah. Baahida sii kordheysa ee tamarta nadiifka ah, xakamaynta sahayda lithium ayaa noqonaysa mid istaraatiiji ah. Gobolka Donbas ee Ukraine, oo ah xarun warshadeed oo weyn, ayaa sidoo kale hodan ku ah dhuxusha iyo khayraadka kale. Tan iyo 2014, Ruushku wuxuu isku dayay inuu ballaariyo xakamaynta hantida macdanta ee Ukraine. Duulaankii baaxadda lahaa ee sannadkii 2022 uu Ruushka ku qaaday Ukraine , kaliya ma ahayn mid siyaasadeed ama salka u haya taariikh hore , sida inta badan laga maqlo warbaahinta , balse udub-dhexaadka ujeeddooyinka duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine , sida cad waa sidii uu Ruushka u xakameyn lahaa khayraadka aan meel kasta laga helin ee Ukraine!
Iyadoo la xakameynayo gobollada macdanta hodanka ah ee Ukraine — Ruushku wuxuu doonaya inuu ka hortago dalalka Yurub inay si fudud ku helaan khayraadka Ukraine. Inta uu gacanta ku hayo Ruushka khayraadka Ukraine waxay xoojin doontaa awoodda gorgortanka ee Moscow waxayna wiiqi doontaa dhaqaalaha reer galbeedka. Istaraatiijiyadan khayraadka ku dhisan waxay la mid tahay sida Ruushku uu awood ugu helay inuu yahay cidda Yurub siisa gaaska!
Haddii aad fahantay colaadda Ukraine inay salka ku hayso khayraadka oo Ruushka uu kaga hormarayo reer galbeedka , markan aan ku eegayo dhibanaha kale oo ah Soomaaliya oo aan wali ka faa’iideysan khayraadka ay qaniga ku tahay;
Soomaaliya waxaa la aaminsan yahay in ay leedahay macdan aad u badan, oo ay ku jiraan; lithium, tin, tantalum iyo uranium. Sahannada Juquraafiga ayaa tilmaamaya in gobollada waqooyi, iyo sidoo kale qaybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya, ay ku jiraan lithium-ku-dhalatada pegmatites. Si kastaba ha ahaatee, si ka duwan Ukraine, Soomaaliya ma aysan awoodin inay horumariso qaybta macdanta sababtoo ah xasillooni darro daba dheeraatay iyo maamul xumo.
34-kii sanno ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxa ay ku jirtay jahwareer siyaasadeed. Dagaal sokeeye, argagixiso iyo faragelin shisheeye oo naafeeyay qaranka. La’aanta dowlad dhexe oo awood leh ayaa u sahashay dagaal oogayaashii, maleeshiyaadkii iyo kooxaha xagjirka ah sida AS inay ka taliyaan qeybo ka mid ah dalka. Kooxahani waxay awood ku yeeshaan dhulka aysan ka jirin nidaamyada xooggan, mana laha wax qorshe ah oo ay ku horumariyaan dhaqaalaha. Taa beddelkeeda, waxay ka faa’iidaystaan ​​howlaha sharci darrada ah.
Waa maxay sababta Soomaaliya ay ugu jirto Muddo dheer xasillooni darro?
Xasillooni la’aanta Soomaaliya maahan mid ku timid xaalad shil! Waxaa qeyb ka ah xoogag shisheeye oo doonaya in ay ka hortagaan in dalka uu horumariyo khayraadkiisa. Quwadaha shisheeye ayaa muddo dheer ka faa’iidaysanayay dawladda taagta daran ee Soomaaliya si ay u helaan khayraadkeeda badda iyo goobta istaraatiijiga ah ee ku teedsan gacanka cadmeed.
Si ka duwan dalka Ukrain oo ay ka jirto dawlad xoog badan oo taageero milateri ka helaysa reer galbeedka, Soomaaliya ma haysato kaabayaal dhaqaale iyo amni oo u suragelinaya inay ilaaliso khayraadkeeda . Musuqmaasuqa iyo hoggaan xumada ay u dheertahay xaaladda amni oo dalka ka fogeysay inuu helo maalgashadayaal caalami ah ayaa ka dhigay Soomaaliya inay lumiso helida shirkaddo qoda macdanta— Halka Ukrain ay la dagaalamayso duullaanka Ruushka, Soomaaliya waxay la daalaa dhacaysaa xoogag gudaha iyo dibadda ah oo doonaya inay wiiqaan!
Doorka Shiinaha iyo dalalka kale ee Caalamka;
Shiinuhu wuxuu si adag isha ugu haya macdanta lithium-ka adduunka oo dhan. Wuxuu si weyn u maalgaliyaa macdanta lithium ee Afrika, Koonfurta Ameerika, iyo Australia. Haddii Soomaaliya ay xasillioni hesho oo ay bilowdo howlaha macdanta, waxay soo jiidan kartaa maalgashiga Shiinaha. Si kastaba ha ahaatee, tani waxay horseedi kartaa xiisad juqraafiyeed cusub iyadoo waddamada reer galbeedka ay doonayaan inay ka hortagaan saameynta Shiinaha.
Wuxuu horey Shiinaha u qaaday tallaabooyin uu ku soo bandhigay xiisaha uu u qabo kaydka lithium-ka ee Ukraine — Dagaalka ka hor, shirkadaha Shiinaha waxay ka wada xaajoonayeen heshiisyo lagu horumarinayo qaybta lithium-ka ee Ukraine. Dagaalku wuxuu carqaladeeyay qorshayaashaas, laakiin waxaa cad in quwadaha caalamku ay garteen qiimaha istaraatiijiga ah ee macdantan.
Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ukraine?
Soomaaliya iyo Ukrain waxa ay wadaagaan caqabad isku mid ah; Waa halgan siyaasadeed oo ku salaysan khayraad. Awoodda Ukraine ee iska caabinta gardarrada Ruushka ayaa qayb ahaan sabab u ah xulafada ay la leedahay waddamada reer galbeedka. Soomaaliya waxaa ka maqan iskaashi xooggan oo noocaas ah. Si ay uga baxdo tobannaan sanno oo xasillooni darro ah, Soomaaliya waa in ay xoogga saartaa dhismaha dawlad xasilloon, xoojinta amniga, iyo soo jiidashada maalgashi shisheeye oo daacad ah.
Horumarinta waaxda macdanta Soomaaliya waxay u baahan tahay qorshe fog. Dawladdu waa inay xaqiijisaa in hantida macdantu ay faa’iido u leedahay dadweynaha, ee aanay ka faa’iidaysan oo keliya madaxda sare ama shirkadaha shisheeye. Daah-furnaan, hay’addo xooggan, iyo dib-u-habeyn amni ayaa lagama maarmaan ah. Sidoo kale Soomaaliya waa in ay ka digtoonaato in ay noqoto goob ay ku dagaallamaan quwadaha caalamka ee doonaya in ay khayraadkeeda ka faa’ideystaan.
Dunidda hadda waxay wajahaysa dagaalka Khayraadka;
Baahida caalamiga ah ee lithium iyo macdanta kale ee muhiimka ah waxay sii wadi doontaa inay qaabeeyaan siyaasadda caalamiga ah. Waddamada khayraadkaas leh waxay ka faa’iidaysan doonaan kobaca dhaqaalaha ama waxay la kulmi doonaan! Soomaaliya oo leh hantideeda aan laga faa’iidaysan, waa in ay wax ka barataa waaya-aragnimada Ukraine si ay uga fogaato in ay noqoto dhibane kale oo colaadaha ay usoo jiidaan khayraadkeeda!
Duniddu waxa ay gelaysaa xilli ay macdantu muhiim u tahay sida saliidda iyo shidaalka. Soomaaliya iyo Ukraine labaduba waxay leeyihiin awood ay ku noqon karaan kuwa ugu waaweyn dhaqaalahan cusub ee adduunka , sida markii la joogay shidaalka ay u noqdeen waddamada khaliijka carabta kuwa qani ah ! Si kastaba ha ahaatee, haddii aysan jirin xasillooni iyo qorshe istaraatijiyadeed, waxay halis ugu jiraan labadan dal halkii ay ka faa’iideysan lahaayeen inay ku haraan colaad iyo dagaallo aan dhammaad lahayn!
Soomaaliya waxay leedahay khayraad dabiici ah oo qaali ah sida shidaal, gaas, uranium, iyo macdan naadir ah! Kaydka shidaalka ee badda wuxuu noqon kartaa mid weyn sida midka Kuwait! Haddii la horumariyo, Soomaaliya waxay noqon kartaa dal si weyn uga faa’iidaysta tamarta, taasoo khatar gelin karta waddamada Khaliijka ee ku tiirsan dhoofinta shidaalka.
Dowladaha Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar ayaa Soomaaliya ka leh dano xooggan. Ma rabaan in Soomaaliya ay noqoto mid kula tartanta suuqa tamarta oo ay awood u leedahay inay ka sarreyso dalalkan! Waxa kale oo ay ku tartamaan midba midka kale si uu saamayn ugu yeesho Geeska Afrika. Imaaraadku waxa uu maalgashi ku sameeyey dekedaha, waxaanu heshiisyo la galay dawlad-gobolleedyada Soomaaliya. Heshiisyadani inta badan waxay u qaabeysan yihiin hab Soomaaliya u rogaysa dhul kala qeysan!
Xasillooni la’aanta ka jirta Soomaaliya ayaa dalalka Khaliijka uga faa’iideestaan ​​dhinacyo badan. Qaar ka mid ah wadamada Khaliijka ayaa taageera maamul gobolleedyada si ay u helaan khayraadkooda. Dalalka khaliijka waxaa kalo ay dhaqaalo badan siiyaan siyaasiyiinta oo kaddibna ay u rogaan, kuwa ay iyagu hagaan! Loolanka dalalka carabta iyo xulafadooda ayaa Soomaaliya ka dhigay dal aan lahayn siyaasaddo uu ku maareeyo khayraadkiisa!
Dalalka Khaliijka ayaa ku andacoonaya inay Soomaaliya ku caawiyaan gargaarka iyo dadaallada la dagaalanka argagixisada. Si kastaba ha ahaatee, ku lug lahaanshahooda inta badan waxay kordhisaa kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo inay noqdaan a kuwa aan laga maarmin ee darbiyada ay kala dhex dhigaan ku maamulla. Soomaaliya waxay u baahan tahay maamul adag si ay u maareyso khayraadkeeda, una yareyso faragelinta shisheeye!
Soomaaliya iyo Ukrain oo isgoys ah ayay taaganyihiin! Labada waddanba waxay leeyihiin khayraad macdaneed oo qiimo leh oo wax ka beddeli kara dhaqaalahooda. Ukrain waxay ku jirtaa dagaalamaysaa ay ku doonayso in ay madax-bannaanideeda iyo khayraadkeedaba uga ilaaliso gacanta Ruushka. Dhanka kale, Soomaaliya ayaa weli ku xayiran xasillooni darro, taasoo u diidaysa inay ka faa’iideysato khayraadka macdanta!
Casharka muhiimka ah ee halganka Ukraine waa in dalalku khayraadka hodanka ah ay diyaar u yihiin inay difaacdaan! Haddii aan la helin maamul adag, amni, iyo iskaashi caalami ah, macdantu waxay noqon kartaa masiibo, halka ay noqon lahaayeen kuwa dhaliya barwaaqo! Soomaaliya waxay haysataa fursad ay ku beddesho aayaheeda, laakiin waa in ay si dhab ah uga hawlgashaa sidii ay mustaqbalkeeda u sugi lahayd , una noqon lahayd dal haga dhaqaalaha adduunka!
W/Q Iman Jamac