Ciidamada difaaca maamulka Puntland ayaa maanta la wareegay deegaanka Sheebaab ee hoostaga degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku sugnaayeen fariisimana ku lahaayeen dagaalyahanno katirsan kooxda Daacish.
Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sheegay in duullaan saakay ku qaadeen deegaanka Sheebaab uga saareen kooxo argagaxiso ah oo halkaasi ku sugnaa, waxa ayna ciidamada deegaanka ay la wareegeen ka wadaan howlgallo miino baaris ah iyo amni xaqiijin ah.
Ciidamada maamulka Puntland ayaa sidoo kale la sheegay in ay sii baacsanayaan firxadka kooxdii katirsaneyd Daacish ee laga saaray deegaanka Sheebaab ee dhaca dhulka buuraleyda, waxa ayna saraakiisha ciidanka Puntland sheegeen in howlgalka uu yahay mid wali socda.
Puntland ayaa guulo waa weyn ka gaartay howlgalka ay kula dagaallameyso kooxda Daacish, waxa ayna ciidamada maamulkaasi shalay la wareegeen godad iyo goobo kale oo saldhigyo ku lahaayeen kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com