Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo shaacisay qaabkii ay Puntland kusoo galeen ajaaniibta Daacish

Deegaannada maamulka Puntland gaar ahaan dhulka buuraha ee gobolka Bari , waxaa soo galay oo ku sugan dad ajaaniib ah oo u badan kuwa Carbeed oo ka kala yimid dalal kala duwan, kuwaa oo ku biiray una dagaallamaya kooxda Daacish.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyay qaabka ajaaniibta Daacish u sahashay in ay kusoo galaan buuraha gobolka Bari, waxa uuna Wasiirka shaaciyay xog sirdoon oo horey dadka qaar aysan u ogeyn.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ajaaniibta Carbeed ee katirsan kooxda Daacish markii ay soo galayeen deegaannada maamulka Puntland ay iska soo dhigeen qaxootiga Yemen, kuwaa oo kasoo cararayay colaadii ka qaraxya gudaha Yeken.

“Inta badan dagaallamayaasha Argagixisada Daacish waxay Puntland ku soo galeen farsamo Qaxootinimo, waxay soo mareen dalka Yemen, waxaana ay soo raaceen doonyihii siday Qaxootiga Yemen ee ka soo cararay colaadda dalkaasi, kaddibna shacabka iyo dowladda Puntland ayaa soo dhaweeyay oo mooday walaalahood Sunniyiin ah oo soo qaxay” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, ayaa sidoo kale sheegay in dagaalyanadda Carbeed ee ku biiray Daacish qaarkood ay iska soo dhigeen dalxiisayaal, kuwaa uu tilmaamay in ay kasoo dageen dalka Itoobiya kaddibma soo galeen deegaannada Puntland.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tartan Orodo xiise badan oo lagu qabtay Jidka Maka Al-Mukarama & madax ka qeyb qaadatay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maamul goboleed qaadacay Shirka Wadatashiga uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Qorax Madoobad beri laga arki doono dalal ka tirsan caalamka iyo Somalia oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---