Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Tripoli (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli, ku soo dhaweeyey madaxda sare ee dowladda Liibiya, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalkan sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Tripoli, waxa uu kulan la qaadan doonaa Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkan Mudane Maxamed Al-Manfi oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la daggaallanka tahriibta iyo dhammaystirka soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ay ku wajahayaan xabsiyada dalkaas.

Related posts

CIA-da Mareykanka oo War ka soo saartay geerida Prigozhin & cida ka dambeysay

Caydiid Ali

Faahfaahin laga bixiyey natiijada ka dhalatay howlgalada ka socda Muqdisho

Caydiid Ali

Xildhibaano laga soo doortay Koonfur Galbeed oo Baaq u diray Jawaari 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---