Allbanaadir.com
NEWS

Xamse oo qaabilay wafdi uu horkacayo Said Bin Hamud (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Eng. Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali.

Waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo Teknolojiyadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa la wadaagay wafdiga ka socday Saldanadda Cummaan horumarrada uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, kuwaas oo faa’iido u leh labada dalba.

Dhankiisa, Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Saldanadda Cummaan Eng. Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali, ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo Ceeb kala kulmay Magacyada Xubnihii ay u gudbiyeen Rooble !

Cabdi Cade

Wasiirada iyo Xildhibaanada Beelaha Banaadiriga oo Digniin soo saaray

Cabdi Cade

Daawo:-Ma runbaa in mooshin ka dhan ah madaxwewne Farmaajo la diyaarinayo & Cumar Finish oo xilka …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---