Allbanaadir.com
NEWS

Netanyahu oo ku hanjabay inuu ku laabanayo dagaalka Gaza

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu wuxuu wax yar ka hor sheegay in Israa’iil ay diyaar u tahay in ay dib u bilowdo dagaalka marinka Qasa, “daqiiqad kasta” isagoo wacad ku maray inay dhamaystiri doonaan yoolalka dagaalka.

Waxaa xigtay hadalkan war saxaafadeed ay baahiyeen ciidanka Israa’iil, oo dhankooda sheegay inay heegan sare ku jiraan oo ay isku diyaarinayaan sidii ay dib ugu billaabi lahaayeen dagaalka Qasa!

Waxa ka horreysay ficil ay Israa’iil ku jabinayso heshiiska , kaddib markii ay joojisay inay xabsiyada ka sii deyso in ka badan 600 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah, kuwaaso ay ahayd in shalay la sii daayo, si loogu beddesho lix maxaabiis oo ay shalay sii deysay Xamaas!

Tallaabooyinka ay Israa’iil qaaday waxaa xad-gudub ku tilmaamay ururka Xamaas oo war saxaafadeed ay baahiyeen ku sheegay inay Israa’iil si bareer ah heshiiska u jabinayso.

Waa maxay sababta ay tallaabooyinkan u qaadayso Israa’iil?

Netanyahu iyo maamulkiisa, waxay ku andacoodeen inaysan dulqaad u lahayn habdhaqanka Xamaas iyo hababka ay uga faa’iideysanayso sii deynta maxaabiista! Mar kasta oo ay Xamaas sii deynayso maxaabiista waxay qabataa bandhig lagu soo muujinayo awoodda milateri ee ururka, hubka ay ka qabsadeen ciidanka Israa’iil iyo farriimo kulul oo fagaaraha lagu sii deynayo maxaabiista lagu soo bandhigo.

Wajigii shanaad iyo lixaad ee sii deynta maxaabiista Israa’iil ee Xamaas ay gacanta ku heysay, habkii loo soo bandhigay , waxay dhalisay inay Israa’iil hakiso maxaabiista ay sii deyn lahayd ee Falastiiniyiinta, guryaha gurgura iyo gargaarkii loogu talagalay Qasa, iyagoo sidan oo kale ku andacooday in la dammaanad qaado inay Xamaas wax ka beddelayso hab ay u dhacdo sii deynta maxaabiista, waxba isma beddelin illaa haddana maalintii labaad lama sii deyn maxaabiista Falastiiniyiinta.

Xamaas, waxay soo muujiyay guul-darrada dagaalka ee gaartay Israa’iil iyo xulafadeeda, muddada lagu jiro sii deynta maxaabiista, intaa ugama harine waxay dunidda horteeda ku fadeexaysay ciidanka Israa’iil oo fagaarayaasha Qasa lagu soo bandhigay noocyada hubka iyo agabkii laga qabsaday, — sidoo kale waxaa ay dunidda kaga yaabsatay Xamaas, inay beenisay hadalladii Netanyahu ee ahaa in la burburiyay awooddii milateri ee Xamaas, laakin waxaa la arkay Xamaas oo u muuqata inaysan maalin dagaal gelin, kaddib markii la soo bandhigay kumannaan dagaalyahan oo hubaysan!

Haddaba xaaladan ma waxay ka dhigantahay burburka heshiiska?

Israa’iil hadda si toos ah uguma laaban karto dagaalka oo tan xataa gudaha Israa’iil wuxuu Netanyahu kala kulmi kara caro badan, sababtoo ah ma dhammaan wajigii koowaad ee heshiiska, taas beddelkeeda wuxuu Netanyahu doonaya inuu qaado tallaabooyin cadaadis leh oo ku riixaya inay Xamaas la kulanto carada dhexdhexaadiyayaasha si ay u beddesho habka ay u soo bandhigto maxaabiista! Intaa kaliya ma aha waxaa jira wax kale oo muhiim ah oo Netanyahu uu doonayo waa in la ballaariyo wajiga koowaad ee heshiiska, isagoo ka fogaanaya in la billaabo wada-hadallada wajiga labaad ee heshiiska, tan si aad u fahantid wuxuu Netanyahu doonaya in la sii daayo maxaabiis badan, iyadoo aan la guda gelin wajiga labaad ee heshiiska, sababtoo ah wajiga labaad ee heshiiska waa mid halis ku ah Netanyahu, maaddama uu dhigayo in dagaalka la soo afjaro oo ciidanka Israa’iil ay dib ugu laabtaan goobihii ay joogeen maalinta ka horreysay 7 Oktoobar,2023, taasina waa in uu soo dhammaaday mustaqbalkii siyaasadeed ee Netanyahu, waayo wuxuu ku guul-darraystay dagaalka oo fadeexad u soo jiiday Israa’iil, mana uusan gaarin muddo 15 bilood ah wax sawir guul iyo yoolalkii uu dejiyay markii uu dagaalka galay oo ay ugu horreysay burburinta awoodda Xamaas oo aan la gaarin..!

IMAN JAMA

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo ciidamo hubeysan kala soo degay Muqdisho

Cabdi Cade

Colaadaha Qabiileysan ee dalka ka bilowday xilliga Xasan Sheekh!

Cabdi Cade

Siyaasi Wasiir ka soo noqday Holland oo ka yaabsaday shacabka dalkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---