Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii maanta ka kala dhacay magaalada Gaalkacyo iyo caasimadda Soomaaliya ee lagu dilay sheekh caan ah iyo tiro kale oo ah dad rayid ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii aroortii hore saaka lagu qaaday xarun uu leeyahay wadaadka Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi ee ku taalla koonfurta magaalada Gaalkacyo. Warbaahintu waxay sheegtay in wadaadku uu horey kooxda jihaad doonka uga helay hanjabaad ah inay dili doonaan.

Gaari miineysan ayaa la sheegay in lagu qarxiyay suuq mashquul ah oo ay dadku ku badan yihiin ee ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho goor hore galabtan, waxaana ciidamada amniga Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigeen qof laga shakisan yahay inuu ku lug lahaa.

“Weerarradii maanta lala beegsaday dad rayid ah ee joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo waxay muujinayaan sida kooxada xagjirka ah ayna ugu aabayeelin una qadarinin xurmada ay leedahay nolosha baniaadanka, Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Qaramada Midoobayna waxay la garab taagantahay dadka iyo dowladda Soomaaliya sida ay u diidanyihiin xagjirnimada. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii dhintay, waxaana inta dhaawaca ah u rajeynaynaa inay si buuxda uga soo kabtaan dhaawacyadooda.”  ayuu yiri Mudane Haysom.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sonny Williams oo ka hadlay sida loogu takooray Shaabadda saaran korkiisa markuu Islaamay!

Cabdi Cade

Turkiga oo jawaab caro leh ka bixiyey go’aan kasoo baxay dowlada Faransiiska

Caydiid Ali

Jen. Odowaa oo mar kale loo Magacaabay taliyaha Ciidanka XDS

Caydiid Ali
Taboola Ads ---