Allbanaadir.com
NEWS

Taliyeyaasha Milateriga & Sirdoonka Itoobiya oo yimid Muqdisho

Taliyaha ciidanka Milateriga dalka Itoobiya Birhanu Julla  ayaa shalay booqasho ku yimid Muqdisho iyagoo kulan la qaatay madaxda ugu sarraysa laamaha ammaanka ee Soomaaliya.

Wefdiga Taliya oo ay qayb ka ahaayeen Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya Ridwan Xuseen waxay kulan la qaateen dhiggooda Soomaaliya Odowaa Yuusuf Raage iyo Cabdillaahi Sanbaloolshe iyagoo kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa hawlgalka cusub ee Midowga Afrika kaasoo hadda Itoobiya ka qayb noqonayso.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la iska kaashado dhinaca ammaanka.

Safarka saraakiishan ayaa ku soo beegmayaa xilli ay dawladda Soomaaliya olole ugu jirto in ciidanka Itoobiya laga qaado deegaannada ay kaga sugan tahay Maamulka Koonfur Galbeed oo ay doonayso in la geeyo goobo kale.

Itoobiya iyo Soomaaliya oo sannadkii hore xiriirkoodu xumaa ayaa hadda u muuqda in ay dib heshiiyeen oo laga baxay xaaladdii hore.

Labadaan nin waxay si cad bannaanka ula taagnaayeen hanjabaad ee ay Somalia hawada u soo marinayeen gaar ahaan Xilliga ay taagneyd xiisadii ka dhalatay is afgaradkii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya oo DF ay diiday

Waana sababta looga qariyay imaanshiyahooda Warbaahinta Soomaalida balse warkan Booqashadooda waxaa tabisay warbaahinta Itoobiya oo kulankii shalay guul ku tilmaantay.

Related posts

Noocyo ka mid ah dayuuradaha oo laga Mamnuucay garoomada Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xasan Sheekh”Banaanbaxa waa la qabanaa amnigana anagaa sugeyna Mana soconayso……”

admin

(Sawirro) Boqolaal arday oo sanadkan ka qalin jebisey Jaamacadda Benaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---