Ciidamada Difaaca Puntland oo in ka badan 60-cisho ku hawlan ka ciribtirka buuraha Calmiskaad kooxda Daacish ayaa maanta kala wareegey degaannada Curaar, Darar-madoobe iyo Buuraha afarta koone ka xiga Gaatir-oodan.
Degaanadan ayaa muhiimad sare oo difaac u lahaa Daacish, balse ciidamada Difaaca Puntland ayaa muddo kooban kula wareegey, taasoo ka dhigan guul-weyn oo ay gaareen Ciidamada sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska howlgalka ciidamada Puntland.
Dhinaca kale, Gawaari iyo Mootooyin Daacish u adeegsan rabeen qaraxyo oo duqeymo lagu burburiyay ayay Ciidamada Daraawiishta Puntland soo bandhigeen, kaddib markii ay gaareen deegaano hor leh oo u ahaa difaac iyo talis.
“Gaarigan, aad aragtaan Argagixisada Daacish waxaa u saarnaa qori bilowgii dagaalka, intay ka dajiyeen bay ku rareen qaraxyo waaweyn oo ay doonayeen in ay ciidanka ku weeraraan 10 maalin ka hor, waxaa xiliga la burburinayay hareer joogay in ka badan 30 argagixiye oo raaci lahaa si ay ugu gabadaan oo jug ugu geystaan ciidanka difaaca Puntland Mootooyinkuna waa miineysanayeen, sidii ay adeegsadeen weerarkii Haraaryoyin bay rabeen in ay u adeegsadaan, laakiin labadaba waa fashilmeen, duqeyn ayaana lagu burburiyey” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland.
Xoogaga Daacish ayaa weli ku harsan buuraha Calmiskaad qeybo ka mid ah ayaa la sheegay iney haatan heysato xaalad adag ka dib markii dagaalka looga taag roonaaday aysana jirin meel ay u baxsadaan.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA