Allbanaadir.com
NEWS

Askar hubkii ay wateen ka iibsaday Al Shabaab oo maxkamad lasoo taagay (Sawirro)

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland , ayaa Maanta u fadhiisatay dhagaysiga 2aad eedaysanayaasha kala ah Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur oo horay uga mid ahaa Ciidamada Jubbaland , kuwaa loo haysto kamid ahaanshiyaha Kooxda Al Shabaab iyo qoryihii  Jubaland ay ugu dhiibtay in ay ugu adeegaan shacabka Jubbaland ay ka gateen kooxda Al Shabaab.

Fadhiga Maxkamada waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Maxkamada, labadiisa Kuxigeen, Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland iyo Ehelada labada eedeysane ee kala ah Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur.

Ugu Horeyn Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim, ayaa furay Fadhiga Maxkamada asagoo Faah-faahin ka bixiyay Kiiska ay Maanta Maxkamada ufadhido.

Dhinaca kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamada Horteeda ku Soo bandhigay Cadeymaha loo hayo Kiisaska lagu hayo Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur.

Intaas kadib Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim ayaa eedeysanayaasha weydiiyay Waxa ay uga Jawaabayaan Cadeymaha uu soo bandhigay Xeer ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Jubbaland.

Ugu dambayn Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim ayaa soo xeray Fadhiga Maxkamada asagoo sheegay in Maxkamada ay go’aan ka soo saari doonto Kiisaska loo heysto Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur.

Related posts

DEG DEG: Natiijada rasmiga ah ee doorashada Turkiga oo goor dhow lagu dhawaaqay

Caydiid Ali

Imaaraadka oo Boosaaso ka dejiyay qalab caafimaad oo looga hortago Caronavirus (Sawirro)

Cabdi Cade

Norwey oo shuruud yaab leh ku xireysa deeqaha ay siiso dalal ay ku jirto Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---