Allbanaadir.com
NEWS

Difaacii ugu adkaa ee Daacish ku lahaayeen buuraha Calmiskaad oo la qabsaday

Ciidamada difaaca maamulka Puntland ayaa saakay duullaan qorsheysan ku qaaday fariiso muhiim ah oo kooxda Daacish kaga sugnaayeen buuraha Calmiskaad, waxaana halkaasi ka dhacat dagaal xooggan oo labada dhinac dhax maray.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada maamulka Puntland guud ahaan gacanta ku dhigay daaficii iyo saldhigii halista badnaa ee buuraha ku lahaayeen kooxda Daacish, gaar ahaan halka loo yaqaan Curaar oo kamid ah difaacyadii ugu adkaa ee kooxdaasi.

Saldhgigan difaaca u ahaa kooxda Daacish ayaa ku yaalay aagga togga Jaceyl, waxaana wararka aan  heleyno sheegayaan in halkaasi si buuxda ula wareegeen ciidamada Puntland ayna halkaasi ka wadaan howlgallo baaritaanno ah.

Ciidamada ayaana saldhigga ay la wareegeen iyo hareerihiisa kasoo saaray miinooyin badan oo lagu aasay, waxa ayna ciidamada kusii daba jiraan firxadka kooxdii Daacish ee ku sugnaa saldhigii ay ku lahaayeen halka loo yaqaan Curaar.

Maamulka Puntland ayaa guulo waa weyn ka gaaray howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish, waxa ayna ciidamada la wareegeen goobo badan oo Daacish horey ugu sugnaayeen, waxa ayna sidoo kale laayeen xubno badan oo kooxdaasi katirsanaa.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo iyo Baaq u diray Dadka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Dowlada oo Shaacisay waqtiga dib loo soo celinayo Dhalinyaradii loo qaaday Eritrea

Cabdi Cade

Bogg Facebook uu ka sameestay Axmed Karaash oo oo maalmo kadib hawada laga saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---