Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo digniin amni soo saartay iyo ciidanka oo heegan la galiyay

Maamulka Puntland oo xalay soo saartay digniin amni, ayaa dhammaan dadweynaha ugu baaqday in ay taxaddar dheeri ah ka muujiyaan dhaq dhaqaaqa firxadka Argagixisada ee magaalooyinka u soo cararaya kaddib markii lagu jebiyay dagaalkii buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo digniintani amni soo saartay ayaa tiri “Sidaan ognahay Ciidamada Difaaca Puntland waxay guulo waaweyn ka gaareen hawlgalka ciribtirka argagixisada, taasoo keentay in kooxihii Argagixisada ahaa ay kala firxadaan. argagixisadu waxay isku dayi doonaan inay ku dhuuntaan magaalooyinka, deegaannada miyiga ah, iyo laamiga dheer ee isku xira Puntland.”

“Shacabka Puntland waxaa looga baahan-yahay Sidii caddada u ahayd oo Lagu yaqaanay inay Muujiyaan feejignaan dheeri ah, si aysan firxadka argagixisadu fursad ugu helin inay naftooda badbaadsadaan ama isku dayaan inay dhibaatooyin hor leh ka abuuraan gudaha Puntland.”

“Waa mas’uuliyad guud in la ogaado cid kasta oo dhaq-dhaqaaq shaki leh in si degdeg ah loogu wargeliyo laamaha ammaanka.

Dowlad goboleedka Puntland iyo Ciidamada Difaacu waxay mar kale u mahadcelinayaan shacabka Puntland oo garab taagnaa hawlgalka lagu ciribtirayo kooxahaas Argagixisada ah.

Related posts

Dil nooc cusub ah oo caawa ka dhacay Baydhabo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Beesha caalamka oo quus ka taagan dhexdhexaadinta madaxda Soomaalida

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo Xoghaye Degmo u magacaabay Wariye caan ka ahaa Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---