Ra’isul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika, ayaa weerar dhinaca afka ah ku qaaday dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Rooble oo lagu tirin jiray siyaasiyiinta taageersan hab-maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh , ayaa hadda u muuqda mid garabkooda ka baxay kooxda talada dalka heysa, waxa uuna hadda si cad uga soo horjeestay siyaasadda iyo rabitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh.
Ra’isul Wasaare hore Rooble ayaa si cad ugu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in uusan ka aqbali doonin waxii uu shalay ka diiday Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna sheegay in muhiim tahay Madaxweynaha in uu ka shaqeeyo helitaanka wax loo dhan yahay oo raali la isaga yahay.
“Wixii shalay walaalkey Farmaajo aan kor ugu sheegay hoosna ugu sheegay ayaan rabaa inaan maantana walaalkey Madaxaweyne Xasan Sheekh kor iyo hoos ugu sheego taas oo ah in wax loo dhan yahay la wada helo, waxaan shalay anigu diiday yaan dalka lagu celin” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.
Rooble ayaa sheegay in aan xukunka lagu sii joogi karin laguna xukumi karin dalkan aniga ayey igu fiican tahay, waxa uuna ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono Rooble isku keenida siyaasiyiinta xilligan kala aragtida duwan.
”Dalkan laguma xukumi karo waxaan aniga ayay igu fiican yihiin ee adiga kuuguma fiicno ee waxaa lagu xukumi karaa shuruuc iyo wax heshiis lagu wada yahay. Aniga ka Rooble ahaan waxaan u istaagi doonaa in aan usha dhexda qabto oo aan ka shaqeeyo sida aan isugu keeni lahaa siyaasiyiinta kala fikirka duwan”.ayuu yiri Rooble.
Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sidoo kale ka hadlay arrintii lagu sameeyay markii uu u safrayay dalka Koonfur Afrika, waxa uuna xusay in arrintaasi keentay in safarka ka baaqdaan qaar kamid ah saaxiibadiisa, uuna kala hadli doono madaxda dowladda waxii dhacay.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com