Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Ingiriiska oo taageertay dagaalka Puntland kula jirto Daacish

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed eeĀ  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xafiiskiisa magaalada Boosaaso ku qaabilay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Michael Nithavrianakis.

Kulanka Madaxweyne Deni la qaatay Safiirka ayaa looga hadlay hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland , xoojinta Iskaashiga UK iyo Puntland, mashaariicda horumarin Uk ka fuliso deegaannada Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.

Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Michael Nithavrianakis, ayaa bogaadiyay guulaha Puntland ka gaartay dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish, waxa uuna sheegay in ay taageerayaan Puntland garabna ku siinayaan la dagaalanka argagaxisada .

Maamulka Puntland ayaa dagaal adag kula jira kooxda Daacish ee fariisimaha ku leh buuraha gobolka Bari, waxaana Puntland dagaalka ku taageeraya diyaaradaha dagaalka dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka, kuwaa oo duqeymo ku garaacaya fariisimaha kooxda Daacish.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Koonfur Afrika oo dil u geestay Muwaadin Soomaaliyeed iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

(Sawirro) Askar ka tirsaneyd ciidanka DF oo saaka xukun dil ah lagu fuliyey

Caydiid Ali

Lataliyihii hore ee Farmaajo oo loo magacaabay Guddoomiyaha Madasha Lome

Cabdi Cade
Taboola Ads ---