War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgal duqeymo ah oo ay iska kaashadeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM lagu bartilmaameedsaday firxadka maleeshiyaadka Daacish ( ISIS) ee ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Caal-miskeed ee gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Hawlgalka duqeymaha ah oo si guul ah ay u fuliyeen ciidanka Mareykanka oo la shaqeynayaa Hay’adaha Amniga Qaranka Soomaaliya waxa ay dhaceen fiidkii 21 Febraayo iyo shalay 22-ka Febraayo 2025, waxaana lagu taageerayay hawlgalka geesiyaasha ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan haraadiga Daacish.
Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iimeynta hore ee hawlgalka ay muujineyso in saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish lagu dilay duqeymaha, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray dad rayid ah.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com