Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Carbeed oo maalgalineysa dhismaha dekadda Hobyo (Sawirro)

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda dowladda Cumaan Siciid Bin Xaamud.

Kulankan labada Wasiir dhax maray ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa dhowr dekedood oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo, taas oo dowladda Cumaan ay doonayso inay kaalin weyn ka qaadato maalgelinteeda.

Kulanka waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan BFS, guddiga qaabilsan dhismaha Dekedda Hobyo, qaar kamida ganacstada Soomaaliyeed iyo Safiirka Cumaan ee Soomaaliya, iyagoo ay weheliyeen madax ka socota hay’ado ka aas-aasan dalka Cumaan oo danaynaya inay maalgeliyaan mashruuca dhismaha dekedda Hobyo.

Wasiirka Gaadiidka & Dekedaha Cumaan iyo Ku-xigeenkiisa ayaa si wadajir ah u ballanqaaday in dowladda Cumaan ay si buuxda u maalgelin doonto dhismaha Dekedda Hobyo & Dekedaha kale ee Soomaaliya ee u baahan dhismaha iyo maalgashiga, kuwaas oo kor u qaadi kara koboca dhaqaalaha iyo horumarka kaabayaasha gobolka.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay guddoomiyaha Midowga Afrika

Cabdi Cade

(Sawirro) Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal oo Koonfurta Gaalkacyo u tegay qancinta Xaaf

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Madaxda cusub ee loo doortay Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---