Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Danab oo dhoolatus kaga qeyb galay Kenya (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Xoogga dalka G/lle Dhexe Xasan Saalax Cabdi ayaa ka qayb galay Munaasabadda xiritaanka carbiska militari ee JUSTIFIED ACCORD, kaasoo sanadkan lagu soo gabagabeeyay dalka Kenya.

Carbiska, oo socday muddo  dhowr maalmood ah, ayaa waxaa markii labaad ka qaybgalay Ciidanka Kumaandooska Danab ee XDS.

Justified Accord waa carbis heer caalami ah oo ay ka qayb galaan dalal kala duwan, si sare loogu qaado xirfadaha iyo awoodda iskaashi ee ciidamada kala duwan ee ka qeybgalaya.

Intii uu socday carbiska, Ciidanka XDS ayaa soo bandhigay dhoolatus cajiib ah, muujinayana xirfad sare, heegan iyo karti ciidan oo heer sare ah.

Ciidamada ka qeyb galay carbiska ayaa ka kala yimid Somalia, Kenya, Tanzania, Mareykanka iyo dalal kale, waxaana lagu qabtay saldhiga ciidamada Mareykanka  ee Manda Bay oo ku yaalla gobolka Lamu.

 

Related posts

Mooshin cusub oo loo gudbiyay Gudoomiyaha golaha Shacabka (Halkan ka Akhriso )

Cabdi Cade

Yaa ku guuleystay dagaalkii 15-ka bilood ka socday Gaza?

Caydiid Ali

Booliska dowlada Kenya oo gacanta ku dhigay Sadia Matani iyo faahfaahin laga bixiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---