Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas & Israel oo is dhaafsaday Maxaabiistii ugu badneyd (Sawirro)

Xamaas, ayaa maanta sii daayay 6 maxbuus oo Israa’iiliyiin ah, tan oo ah tiradii ugu badnayd ee hal maalin la sii daayo, illaa iyo markii uu dhaqan galay dabayaaqadii bishii Jannaayo, wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta Qasa oo Soo gaaray heer gabagabo ah, halka ay Israa’iil maanta sii deynayso 602 oo Falastiiniyiin ah.

Israa’iiliyiinta ay maanta sii deysay Xamaas ayaa kala ah;

  • Avera Mengitsu, 37 jir oo ah Itoobiyaan, heysta jinsiyada Israa’iil, kaasoo lagu qabtay gudaha marinka Qasa, sannadkii 2014-tii , markii la sheegay inuu si iskiis ah u galay Qasa, xilligaa oo ay xabsi dhigeen maamulka amniga Qasa ee hoostaga ururka Xamaas.
  • Hisham al-Sayed, oo 37 jir ah, ayaa isagana galay marinka Qasa bishii April, sannadkii 2015, waxaa gacanta ku dhigay oo xabsi geliyay Xamaas. Waxa uu muddo kooban ka tirsanaan jiray ciidamada Israa’iil.
  • Tal Shoham, oo 39 jir ah, waa Israa’iili heysta jinsiyada Austria, wuxuu ka mid ahaa maxaabiistii lagu qabtay howlgallo 7 Oktoobar, 2023.
  • Eliya Cohen, oo 27 jir ah, waa maxaabiistii la qabtay 7 Oktoobar,2023.
  • Omer Wenker, oo 23 jir ah, ayaa sidoo kale la qabtay 7 Oktoobar,2023.
  • Omer Shem Tov, oo 22 jir ah, waa xirfadle aqoon durugsan u leh barnaamijyada kombuyuutarrada , wuxuu isaguna ka mid ahaa maxaabiistii la qabtay 7 Oktoobar,2023.

Sii deynta maxaabiistan waxay Xamaas ku soo bandhigtay farriimo kala duwan iyo tiro badan oo ciidan ah oo sita hub ay ka furteen ciidanka Israa’iil, iyagoo bandhigaa ku sheegay inay ku muujinayaan midnimada kooxaha iyo dadka Falastiiniyiinta Qasa, xilli bay sheegeen Israa’iil ay ka jirto kala qeybsanaan weyn.

Dhinaca kale, 602 maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa la filayaa in maanta laga sii daayo xabsiyada ay ku jiraan waxaa ka mid ah 110 maxbuus ay Israa’iil ay horey xabsi daa’im ugu riday, waxaa kalo ka mid ah 445 maxbuus oo ciidanka Israa’iil ay ka xireen marinka Qasa inta uu socday duullaankooda soo bilowday bishii Oktoobar,2023.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Hey’ada cusub ee Abeer Foundation oo Muqdisho lagu Daah furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamada Jubbaland oo adkeeyay amniga xeebaha kaddib cabsi soo korortay

Cabdi Cade

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo goordhaw furmay iyo Qodobada looga hadlayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---