Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha 4-aad Heer Qaran ee Loo-Shaqeeyaha iyo Shaqo Abuurka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.
Madaxweynuhu waxa uu munaasibadda ka soo jeediyey hadal aad u qiimo badan oo dhinacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlayey Qaran ahaan culayska badan ee innaga haysta heerka shaqo la’aanta iyo dadka tirada yar ee haatan shaqeeya shaqooyinkoodu aan mushaharka ka soo galaa daboolayn baahidooda nololeed ama shaqooyinka qaar ka mid ah aanu shaqeeyuhu isku halayn karin (job security).
Madaxweynaha Somaliland waxa uu dul is taagay heerka shaqo la’aanta ee Dhallinyarada Somaliland oo iyagu ah tirada ugu badan (70%) ee Bulshada Somaliland, waxana uu yidhi:
” Shaqo la’aantu waa dhibaato kordhinaysa saboolnimada, waxa ay khatar ku tahay amniga guud iyo nabadgelyada dadka, waxa aanay halis gelinaysaa nolosha da’yarta; maadaama oo ay ku dhiirrigelinayso tahriibka, balwadaha iyo dhaqannada aan fiicnayn. Waa xaqiiqo jirta oo ay tahay in shirkani xalkeeda maanta qayb ka noqdo.”
Madaxweynaha  Somaliland waxa uu sheegay in Xukuumadda WADA-JIJR Iyo WAXQABAD ay qayb ka noqonayso xal u raadinta sababaha sii kordhiya tirada shaqo la’aanta, sabahaasi oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay ka mid yihiin nidaamka waxbarashada dalka oo ardayda uu soo-saaraayaa aanay lahayn xirfadihii looga baahnaa suuqa shaqada (vocational skills), sidoo kalena ay faro ku tiris yihiin dugsiyada farsamada ee dalka ka jiraa, taasina ay sababtay in shaqooyinka u baahan xirfadda loo raadiyo shaqaale ajaanib ah.
Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay in maamul ahaan iyo ummad ahaanba ay waajib inaga tahay in loo caddaalad falo u sinnaanshaha fursadaha xagga shaqada ee wiilasha iyo hablaha Somaliland, waxana uu yidhi:
” Horumar kama hadli karno haddii aynaan xal u helin sinnaan la’aanta shaqada ee wiilasheenna iyo hablaheenna. Haweenka iyo Ragga Jamhuuriyadda Somaliland tiro ahaan way isku dhaw yihiin sida la qiyaasayo, sidaas daraadeed waxa ay Xukuumadu hirgelin doontaa nidaam abuuraya u sinnaanta fursadaha shaqo ee hablaha iyo wiilasha. Taas mid la mid ahna waxa aan ka filaynaa ganacsatada iyo ha’yadaha aan dawliga ahayn.”
Madaxweynaha Somaliland waxa uu Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska uu faray in ay dib u eegis ku sameeyaan nidaamka mushahar bixinta ee dalka oo dhan, si loo hubiyo in aanay kala sarrayn mushaharka haweenka iyo ragga isku shaqada iyo aqoonta ahi. Madaxweynaha oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi:
” Hablaha iyo innamadu way u siman yihiin shaqaalaysiinta, Haweenku waa in ay aamin ku yihiin goobaha shaqada oo aanay tacaddi iyo cadaadis u gaar ah kala kulmin. Waxa aannu aaminsanahay haweenka oo fursadaha shaqada iyo maalgashiga si caddaalad ah loogu soo daraa, in ay kordhinayso xawaaraha, iyo xaddiga horumarka dhaqaalaha qaranka, ileen haweenkeennu waa laf-dhabarta nolosheenna.”
“Hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo ganacsatadu ugu horreysana waxaa ku waajib ah, in aan dadka shaqada soo doonanaya aan lagu hayb-soocin deegaan gaar ah, iyo baahiyo gaar ah oo ay leeyihiin haddii ay shaqada qaban karaan oo ay fursadaha shaqada ula sinnaadaan muwaadiniinta kale, arrintan fiiro gaar ah ayaan u yeelan doonnaa Xukuumad ahaan.”