Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo taageero iyo garab istaag u ballanqaaday Puntland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhigga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mida ammaanka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay dagaalka ay ciidamada Puntland kula jiraan kooxda Daacish ee saldhigyada ka sameestay buuraha gobolka Bari, waxa uuna caddeeyay Madaxweynaha in ay garab taagan yihiin dadka reer Puntland ee dagaalka kula jira Daacish.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in kooxda Daacish dhibaato badan ku hayeen dadka reer Puntland , waxa uu sidoo kale xusay in kooxdaasi caalamka tuseysay in wali awood leeyihiin ayna joogaan qeybo kamid ah Soomaaliya.

” Waxaan garab taaganahay ciidamada maamul goboleedka Puntland ee dagaalka kula jira Daacish, ee sida geesinimada leh ugu bareeray in kooxda Daacish ka xureeyaan deegaannadooda , dagaalka Puntland kula jirto Daacish waa dagaal xaq ah oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joiogaan waajib ku tahay in ay garab istaagaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana sheegay in dowladiisa waajib ka saaran tahay in ay garab istaagaan walaalaha Puntland ee dagaalka kula jira Daacish, waxa uuna Madaxweynaha xusay in dhawaan magacaabi doonaan guddi ka shaqeenaya garab istaaga iyo taakuleynta ciidamada Puntland ee dagaalka ku jira.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa kusoo aadaya xilli marar badan dowladda sheegtay in ay Puntland ku taageerayaan dagaalka ay kula jiraan Daacish, waxa ayna Puntland shaacisay dhankeeda in aysan jirin taageero ay ka heleen dhinaca dowladda marka laga soo tago hadal kaliya.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin lasoo taagay Fagaare ay Al Shabaab ku toogan lahaayeen oo si lama filaan ah ku bad baaday

Cabdi Cade

Gudoomiye degmo oo ku baaqay in carabka laga jaro Ikraan tahliil hooyadeed

Caydiid Ali

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---